Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Shirkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo ka furmayo Kismaayo

Kismaayo (WDN)- Shirka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ee xubanah ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in uu ka  furmo magaalada Kismaayo, maalinta berri ah oo ku beeggan bishan Sebtember 4-da, 2018.

Shirkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ee Kismaayo

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa dhamaan soo gaadhay magaalada Kismaayo, si ay uga qeyb galaan shirkaasi. Sidoo kale waxa isna shirka ka qeyb galaya oo furitaanka khudbad ka jeedin doona Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Md. Michael Keating.

Shirka ayaa lagu wadaa in maamul goboleedyadu ay ka wada tashadaan arimo la xidhiidha:
1) Aminga, 2) Siyaasadda 3) Qeybisga Kheyraadka dalka iyo 4) Dastuurka iyo federaaleynta.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in xoogga uu saaro khilaafaadka ka dhex oogan Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada gaar ahaan Jubbaland iyo Galmudug, oo sheegay in ay DF ay faraha kula jirto sidiii ay qalalaase uga abuuri laheyd Jubbaland iyo Galmudug.

Jubbaland oo martigelinaysa shirka, ayaa xidhiidhka u dhexeeya DF uu aad u liitaa, iyada oo beryahan dambe  uu sii xumaanayay.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.