Kismaayo (WDN)- Shirka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ee xubanah ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Kismaayo, maalinta berri ah oo ku beeggan bishan Sebtember 4-da, 2018.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa dhamaan soo gaadhay magaalada Kismaayo, si ay uga qeyb galaan shirkaasi. Sidoo kale waxa isna shirka ka qeyb galaya oo furitaanka khudbad ka jeedin doona Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Md. Michael Keating.
Shirka ayaa lagu wadaa in maamul goboleedyadu ay ka wada tashadaan arimo la xidhiidha:
1) Aminga, 2) Siyaasadda 3) Qeybisga Kheyraadka dalka iyo 4) Dastuurka iyo federaaleynta.
Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in xoogga uu saaro khilaafaadka ka dhex oogan Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada gaar ahaan Jubbaland iyo Galmudug, oo sheegay in ay DF ay faraha kula jirto sidiii ay qalalaase uga abuuri laheyd Jubbaland iyo Galmudug.
Jubbaland oo martigelinaysa shirka, ayaa xidhiidhka u dhexeeya DF uu aad u liitaa, iyada oo beryahan dambe uu sii xumaanayay.
WardheerNews
