Shirkii Golaha Iskaashiga ee Maamul Goboleedyada oo dib u dhacay

Nairobi- Wararka soo gaadhaya WardheerNews ayaa sheegaya in shirkii Golaha Iskaashiga ee Maamul Goboleedyada ee lagu waday in bishan Oktoober 10-keeda uu ka dhaco magaalo madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ee Garoowe,  uu dib u dhacay. Waxaa wararkaasi ay sheegayaan in la filayo in shirkaasi uu qabsoomo isla bishan Oktoobar 15-da.

Lama caddeyn sababaha keenay dib u dhaca shirka, iyada oo madaxda maamul goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug ay dhawaan isku arkeen magaalada Nairobi, iyaga oo sidoo kale wada hadallo la yeeshay beesha Caalamka ay ugu gudbiyeeen mowqifkooda khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowlad Goboleedyda xubnaha ka  ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa horey  shir ay ku yeesheen magaalada Kismayo bshii Sebtember 4-8 . go’aan ku gaadhay in ay  hakiyaan dhamaan wadashaqeyntii iyo xdhiidhkii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.