Garoowe- (WDN)- Wadahadalladii maalmahan uga socday magaalada Garoowe, madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, ayaa la sheegay in uu burbur qarka u saaran yahay, iyada oo lagu heshiin waayay qorsheyaashii ajendada wadahadalka. Kuwaasi oo ay ugu waa weyn yihiin:
1) Arrinta Galmudug, oo madaxweyne Farmaajo ku adkeystay in doorashadii Madaxweyne Xaaf ay tahay dhammaystir xukuumaddii ka horreysay ee aanay aheyn doorasho hor leh.

2) Arrinta nidaamka doorashada 2021 ee hal cod iyo hal qof, oo DFS iyada oo aan wax wadatashi ah la yeelan maamul goboleedyada wadda qorshe lagu hagayo doorashada.
3) Qaybsiga Kheyraadka dalka
4) Sharciga Batroolka iyo
5) Qaabka iyo qorshaha Madasha Wadatashiga
Dhammaan arrimahaasi ayaa laysku mari waayay oo aan lagu heshiin, iyada oo maamul goboleedyadu ku eedaynayaan DFS, in aysan diyaar u ahayn wax heshiis ah, balse iska dabameeraysi iyo xagal daacis.
Wararka igu dambeeyay ee WardheerNews soo gaadhaya , ayaa sheegay in ka gadaal markii ay goosteen maamul goboleedyadu in ay dib ugu noqdaan deegaanadoodii, ay hadda DFS waddo waji cusub iyaga oo sheegaya in ay ka tanaasuleen mowqifkoodii. Taasi oo ay ugu wacan tahay cadaadis kaga imanaya beesha caalamka.
Waxa iyana ay wararku sheegayaan si ay san ugu noqon wajigabax DFS,
in mar kale la ballamo, iyada oo la soosaarayo warmurtiyeed kooban, oo looga dan leeyahay in lagu qanciyo beesha caalamka.
WardheerNews