Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Shirkii Garowe oo fashil iyo ismarin waa ku dhammaaday

Garoowe- (WDN)- Wadahadalladii maalmahan uga socday magaalada Garoowe, madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, ayaa la sheegay in uu burbur qarka u saaran yahay, iyada oo lagu heshiin waayay qorsheyaashii ajendada wadahadalka. Kuwaasi oo ay ugu waa weyn yihiin:

1) Arrinta Galmudug, oo madaxweyne Farmaajo ku adkeystay in doorashadii Madaxweyne Xaaf ay tahay dhammaystir xukuumaddii ka horreysay ee aanay aheyn doorasho hor leh.

2) Arrinta nidaamka doorashada 2021 ee hal cod iyo hal qof, oo DFS iyada oo aan wax wadatashi ah la yeelan maamul goboleedyada wadda qorshe lagu hagayo doorashada.

3) Qaybsiga Kheyraadka dalka

4) Sharciga Batroolka iyo

5) Qaabka iyo qorshaha Madasha Wadatashiga

Dhammaan arrimahaasi ayaa laysku mari waayay oo aan lagu heshiin, iyada oo maamul goboleedyadu ku eedaynayaan DFS, in aysan diyaar u ahayn wax heshiis ah, balse iska dabameeraysi iyo xagal daacis.

Wararka igu dambeeyay ee WardheerNews soo gaadhaya , ayaa sheegay in ka gadaal markii ay goosteen maamul goboleedyadu in ay dib ugu noqdaan deegaanadoodii, ay hadda DFS waddo waji cusub iyaga oo sheegaya in ay ka tanaasuleen mowqifkoodii. Taasi oo ay ugu wacan tahay cadaadis kaga imanaya beesha caalamka.

Waxa iyana ay wararku sheegayaan si ay san ugu noqon wajigabax DFS,
in mar kale la ballamo, iyada oo la soosaarayo warmurtiyeed kooban, oo looga dan leeyahay in lagu qanciyo beesha caalamka.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.