Muqdisho (WDN)- Warar xogogaal ah oo soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegaya in shirkii Maamul Goboleedyada iyo Dowladd Federaalka ee lagu waday in uu ka dhaco Muqdisho bishan Oktoober 20-da uu burbur ku dhaw yahay.

Shirkaasi oo lagaga arin san lahaa sidii loo maareyn lahaa loona damin lahaa xurgufta siyaasadeed ee soo kala dhex gashay Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.
Is maandhaafka shirka Muqdisho ayaa yimid, ka gadaal markii Dowladda Federaalku ay sheegtay in M/weynaha Galmudug Md.Axmed Ducaale Xaaf, aanu shirka Muqdisho imaan karin, oo aan lagu marti qaadi doonin.

Arinkan ayaa ka cadhaysiiyay dhamaan hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada oo sheegay in aanay ka qeyb geli doonin shirkaas haddii aan lagu marti gelin dhamaan madaxda Maamul Goboleedyada xubinta ka ah Dowladda Federaalka.
Dowladda Federaalka ayaa dhawaanahan lagu eedaynayaa in ay wado qorshayaal ka dhan ah Maamul Goboleedyada, oo wax u dhimi kara xasiloonida dalka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshayaashaasi laga soo abaabualayo Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia), uu horseed ka yahay Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin, isaga oo adeegsanaya awooda Madaxweyanaha Soomaaliya.
Dhawaan ayay beesha caalamku gaadhsiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya farriin ku aadan in ay faraha kala baxdo qalalaasaha Maamul Goboleedyada xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana u guntato sidii ay ula shaqeyn laheyd, loona xalin lahaa wixii isafgaranwaa ah ee jira ama soo foodsaara.
WardheerNews
Leave a Reply