War- Murtiyeed
Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyadda Soomaaliya oo ay marti galisay Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland, ayaa lagu qabtay magaalada Kismayo intii u dhaxaysey Agoosto 12-13 ka 2018, si ay wada hadallo uga yeeshaan iskaashiga iyo xiriirka wasaaradaha maaaliyadda Dowlad Goboleeyada iyo inay dhistaan Gole ay ku mideysan yihiin dhammaan wasaaradaha maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada.
Shirka waxaa guddoominayay Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Jubbaland Mudane, Xirsi Jaamac Gaanni, waxaana ka soo qayb galay, Wasiirka Maaliyadda K. Galbeed, Md. Cabdirahman Ibrahim Aden, Wasiirka Maaliyadda Galmudug, Md. Saciid Siyad Shirwac, Wasiirka Maaliyadda Hirshabeele, Md. Maxamed Maxamud Cabdulle, Wasiir Ku xigeenka Maaliyadda Puntland Md. Maxamed Jibriil Caateeye iyo Xubno farsamo oo ka kala socday wasaaradaha maaliyadda ee dowlad goboleedyada.
Wadatashi iyo falanqayn dheer ka dib, wuxuu shirku isku raacay qodobadan hoos ku xusan
- Waxaa la dhisay Gole wadatashi GOLAHA ISKAASHIGA WASAARADAHA MAALIYADDA EE DOWLAD GOBOLEEDYADA SOOMAALIYEED si uu u abuuro iskaashi maaliyadeed oo dhex mara wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada iyo federaleynta waddanka
- Waxay bogaadiyeen 2-da gole ee federaalaynta maaliyadda dalka kan farsamada iyo kan wasiirrada maaliyadda iyo talaabooyinkii guulaha lahaa ee ay qaadeen.
- Iyadoo la dhaqan galinayo heshiiskii midaynta canshuurta qaadka ee Garoowe, ogsoonna caqabadaha arrintan ka soo laabtay, Goluhu wuxuu soo jeediyay in Dawladda Federaalku ka caawiso Dawlad Goboleedyada: Galmudug iyo Hirshabele dhaqan galinta canshuurta Qaadka.
- Goluhu wuxuu ka dooday caqabadda laba cnshuurka ee badeecadaha isaga gudba xuduudaha Gobalada iyagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo xal waara oo Wasaaradda maaliyadda federaalku hormuud ka tahay.
- Goluhu waxay dhalliileen habka Deeqaha Dalka soo gala loo maareeyo iyaga oo soo jeediyay in la helo siyaasad cad oo daahfurnan iyo habraac laga wadatashaday laguna saleeyay baahiyaha ku cad qorshayaasha Dawladda federalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.
- Goluhu wuxuu codsaday in la ballaariyo ka faa’iidaysiga mashruuca (Capacity Injection Mechanism) ee Bangiga Adduunku dalka ka caawiyo.
- Goluhu wuxuu go’aansaday in la hirgeliyo Bangiyo heer dowlad goboleed ah (State Banks). Kuwaas oo daboola baahiyaha bangi ee dowlad goboleedyadda, iskuna xira bangiga dhexe iyo dowlad goboleedyada.
- Goluhu wuxuu soo jeediyey in mashruuca SCORE ay Dowlad Goboleedyadu ku yeeshaan xubno uga mid noqdo Guddiga Dhaqan Galinta mashruuca (Project Implementation Unit), si wada jir looga faa’iidaysto.
- Goluhu wuxuu soo jeediyey in wasaaradaha Maaliyada oo ay hoggaaminayso wasaaradda heer federal kaalinta koowaad laga siiyo doodaha qaybsiga khayraadka dalka iyagoo la shaqaynaya wasaaradaha ay qusayso heerarkooda kala duwan.
- Goluhu wuxuu soo jeediyey in shirka soo socda ee golaha ay ku midaysanyihiin wasiirrada maaliyadda dalka ee uu guddoomiyo wasiirka maaliyadda federalka laga soo qayb galiyo wasiirada Kaluumaysiga ee heer federal iyo heer dawlad goboleed iyo wasiiru dawlayaasha xukuumadaha dawlad goboleedyada, si xal looga gaaro khilaafka hareeyey dakhliga dhaqaale ee khayraadka badda.
Ugu danbayn goluhu wuxuu u mahad celinayaa Dowladda iyo shacabka reer Jubbaland oo marti geliyey shirka muujiyeyna door xilkasnimo.
Dhamaad

