Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Shirka Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Dawlad-wanaagga Iyo Doorashooyinka 2020

Muqdisho–Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ay qeyb ka ahaayeen beesha caalamka.

Kulanka maanta ayaa looga hadlay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka u sheegay in dawladdu si buuxda looga taageero fulinta qorshayaasha qaran ee lagu gaarayo doorashada si lamid ah caawimaadii horay looga gaystay dib-u-habaynta nidaamka dhaqaalaha oo guulo waaweyn laga gaaray.

“Dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo taageeradiina waxa ay Soomaaliya u horseedeen in la helo taageero miisaaniyadeed oo toos ah …waan ka mahad celinaynaa, waxa ayna ila tahay in haddii si lamid ah aan diiradda u wada saarno siyaasaddda loo dhanyahay la gaari karo guul lamid ah horumarkii laga sameeyay dib usoo kabashada dhaqaalaha dalka” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay meel wanaagsan marsiinayso qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go’aan uga gaaraan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad kooban, waxa uuna intaa raaciyay in samaynta xeerka doorashada uu meel wanagan marayo.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.