Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho (WDN)- Waxa magaalada  Muqdisho ka furmay shirka Madasha Wadatshiga, oo dhawaanahan abaabulka iyo qabanqaabada shirku uu ka socotay caasimadda Muqdisho. Kulankan Madasha Wadatashiga Qaran ee Dawladda Federaalka iyo  Dawlad goboleedyada xubnaha ka ah, ayaa ku soo beegmay xilli dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah oo isugu jira abaaro ba’an oo dalka iyo guud ahaan mandiqada Geeska Afrika saameeyay iyo hawlgalo ballaaran oo ka dhan ah kooxaha argaixisada Alshabaab iyo Daacish.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Gobolleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa soo gaadhay Muqdish, iyada oo Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo horey ugu sugnaa Muqdisho.

Ajendaha shirka madasha wada tashiga Qaran ayaa warar aynu helayno ay tilmaamayaan inuu yahay mideynta hawlgalka lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ee Alshabaab iyo Daacish oo si xoogan uga socdo qeybo badan oo ka mid ah maamulada dalka sida Hirshabeelle,Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Waxa  sidoo kale la filayo in Ajendaha shirka lagu soo daro sidii wada ogol looga noqon lahaa qeybsiga kheyraadka dabiiciga ee dalka, xilli dhawaan dawladda federaalka Soomaaliya ay saxiixdey heshiisyo dhanka shidaal qodista ah, ayadoo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka muujinayaan walaac heshiisyadaasi .

Maamulada qaar ee  dalka ka jira sida maamulka Puntland ayaa hore uga biyo diidey sharciga shidaalka dalka, iyaga oo ku sababeeyay arinkaasi, in marka hore heshiis wada ogol ah oo ku saabsan qeybsiga  kheyraadka dabiiciga ah ee dalka ay wada gaaraan dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka.

Guud ahaan qorshaha qeybsiga kheyraadka gaara ahaan shiidaalka ayaa la filayaa in  haddii aan is afgarad laga samaynin uu  dibedda usoo saari karo khilaafka ka dhaxeeya dawladda federaalka  iyo maamulada xubnaha ka ah, taasi oo haddii ay dhacdo kala dhantaali karta hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab ee iminka socda iyo hawlaha gurmadka abaaraha.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho