Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo si rasmiga Muqdisho uga furmay

Muqdisho (WDN)-  Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka furmay xarunta madaxtooyada Villa-Soomaaaliya.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo si rasmiga Muqdisho uga furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirkaa, iyada oo arimaha shirka lagaga hadli doona ay ka mid yihiin federaaleynta, garsoorka iyo asteynta awoodaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii 3-xaad ee Madasha Wada tashiga Qaranka ee ku soo gabagaboobay Muqdisho 31-kii bishii Oktoober ee lasoo dhaafey.

Madaxda heer federaal iyo heer dawlad goboleed ayaa sidoo kale ka arinsan doona xaaladda amniga dalka, gaar ahaan hawlgalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Alshabaab iyo sidii loo mideyn lahaaa dadaalada ku aadan hawlgalkaasi iyo ka hortagga waxyaabaha caqabadaha ku ah xasiloonida dalka.

Arimaha kale ee muhiimka ah ee looga dooddi doono shirka ayaa wax aka mid qodobka xasiloonida dalka iyo qabashada doorashooyinka. Waxaana qodobkan ku hoos jira xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed ee ka dhalatey muddo kororsiga madaxweynaha maamulkaasi uu qorsheynayo iyo xiisadda ka taagan gobolka Gedo .

Shirkan oo ay qeyb ka yahiin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre, Ra’iisal Wasaare  ku xigeenka Saalax Jaamac, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed (Madoobe), Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan (Lafta Gareem), Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa caasimadda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale

Madaxda ayaa la filaayaa in inta shirka uu socdo qodobadaan is faham ka gaaraan, ayadoo ay jiraan cadaadisyo ka imanaya gudaha iyo dibedda, kaasi oo ku aadan ilaalinta xasiloonida dalka si guul looga gaaro hawlgalka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab looga soo horjeedo, oo meel deegaano badan ka socda.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.