Shirka Madasha Wadatashiga Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ha oo Muqdisho ka furmi doona

Muqdisho (WDN)- Qabanqaabada shirka madasha wadatashiga dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ayaa si wayn uga socota magaalada Muqdisho xilli maanta magaalada ay soo gaareen wafdi ay hogaaminayaan madaxweynayaasha maamulada Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe, Koonfur Galbee Md Cabdicasisi Laftagareen  iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Madaxweynayaasha kale ayaa goordhow la filaayaa in ay Muqdisho soo gaaraan, waxaana shirka madasha wadatashiga dowladda iyo dawlaha xubnaha ka ah diiradda lagu saari doonaa arrimaha amniga, hawlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo arrimaha abaaraha.

Shirka Madasha wadatashiga ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu ku jiro xaalad adag oo isugu jira kororka tacadiga maleeshiyaadka Alshabaab iyo wax ka qabashada dhibaatada abaaraha ee ay la daala dhacayaan 7.2 milyaan oo shacabka Soomaaliyeed ka mid ah.

Kulanka ayaa la filaayaa in ay kasoo baxaan go.aano wax ku ool ah oo wax looga qabanayo Alshabaab oo iminka ay muuqato in hogaamiyaasha Soomaalida ka mideysanyihiin in dagaal wada jir ah kooxda lagu qaado si ay u suurto gasho in gurmad lala gaaro malaayiinta Soomaalida ah ee abaaruhu hayaan maadaama dhabihii gurmadka la marin lahaa Alshabaab xanibeen halka magaalooyinka qaar ay go.doon yihiin qaarna ay gacanta ku hayaan.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho