Shirka Kismaayo oo ku baaqay Wada Tashi loo dhan yahay kan digay muddo kororsi

Shirka Kismaayo oo ku baaqay Wada Tashi loo dhan yahay kan digay muddo kororsi

Kismaayo (WDN)- Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo maanta oo ku beegan Desember 20, lagu soo gebagabeeyay magaalada Kismaayo, ayaa laga soo saaray warmuritueed loogu baaqay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane  Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah oo ku eeg bisha Janaayo 20, 2026, uu isugu yeero saamileyda siyaasaddeed ee dalka, si looga tashado doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku dhacda.

Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa ku baaqan in Madasha Mustaqbalku aanay ogolaan doonin muddo-kororsi, iyadoo la xusay in muddo-xileedka Baarlamaanka federaalku uu ku egyahay 14 Abril 2026, halka ka Madaxweynuhu ay tahay 15 May 2026.

Warmurtiyeedka ayaa  lagu sheegay in Madasha Mustaqbalku ay diyaar u tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajooto sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo ka horumarsan tii 2022.

Golaha ayaa tilmaamay haddii madaxweynuhu uusan ka soo jawaabin baaqa in ay bilaabi doonaa qorshe doorasho oo ay horseed u yihiin.

Dad la soo xidhidhay WardheerNews ayaa ku sheegay shirka mid ku dhamaaday is afagarad loo baahnaa, taasi oo digniin cad u ah in xukuumadda Xasan Sheekh aysan kali ahaan gadh-wadeen ka noqon karim jiheynta dalka iyo qorshah doorahada 2026.

Dhinaca kale dad badan ayaa qaba in wali qaabka iyo geedisocodka siyaasadda dalku ay faraha ugu jirto dad kooban oo isku bad-bedalla hoggaanka dalka, iyaga oo marna mucaarad ah marna xukuumadda talada haysa ah, oo aan wali la helin doorkii iyo wadadii ay waxgaradka Soomaaliya uga qeyb qaadan lahaayeen qorshaha badbaadada dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa degneaansho la’aanta siyaasaddeed ee ragaaidsay dalka mudoo 35 sano ah.