Kismaayo- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoowe), oo shir guddoomiyay kulankii caadiga ah ee golaha Wasiiradda Jubbaland, ayaa diiradda lagu saaray qodobo kala duwan. Madaxweynaha furitaankii shirka faah faahin ka bixiyay xaalada guud gaar ahaan siyaasadda iyo amaanka ee Jubbaland.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu socdo dardar galinta howlaha isku dubaridka hay’addaha ammaanka, gaar ahaan ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland.Dhi naca kale Madaxweynahu wuxuu hoosta ka xariiqay in xaaladda siyaasadda iyo amaanku ay yihiin kuwo wanaagsan oo qorshe wacan ku socda.
Madaxweynahu wuxuu golaha uga warbixiyay sharciga dhismaha dhulka iyo bixintiisa oo uu xalay saxiixay, isla markaana dhaqan galintiisa ay iska kaashanayaan Wasaarada Howlaha guud iyo Wasaaraddaha bah wadaagta la ah.
Shircigan oo in muddo ah laga soo shaqaynayay ayaa noqonaya kii ugu baahida badnaa ee dhawaanahan ay golahu meel mariyaan, iyadoo muranada dhulka la xiriira ay ahayeen caqabadaha ugu waaweyn weyn afartii sano ee lasoo dhaafay.
Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka warbixiyay shirar uu kaga soo qayb galay magaalada Nairobi, kuwaas oo lagaga hadlayay arimaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga.
Wasiirka Madaxtooyada Mudane Axmed Abdirahman Xasan, ayaa golaha usoo gudbiyay heshiiska Shirkada Milestone kaas oo la xiriira samaynta naqshadda (master plan) ee magaalada Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee Jubbaland iyo dib u dhiska waxyaabaha aas aaska u ah hormarinta magaalooyinka.
Heshiiskan ayaa marka ugu horaysa laga dhaqan galinayaa magaalada Kismaayo, iyadoo kadibna shirkadu ay ka shaqo bilaabayso deegaanada kale ee xorta ah ee Jubbaland
W/Q Foos Cali Cabdiraxmaan
Leave a Reply