Shirka Golaha Madasha Wadatashiga Qaran oo Go’aano Isla Qaatay

Shirka Golaha Madasha Wadatashiga Qaran oo Go’aano Isla Qaatay

Muqdisho (WDN)- Shirkii Golaha Madasha Wadatashiga Qaran ee uu shir gudoominayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qeybna ay ka ahaayeen Raisalwasaaraha xukuumadda Xamse Cabdi Barre iyo madaxda dawlad goboleedyada, diiradana lagu saarey arrimaha abaaraha, amniga iyo la dagaalanka Alshabaab ayaa gunaanadkii shirka oo Muqdisho ka dhacey  11-12 Se tember 2022, wuxuu goluhu isku raacay qodobada ay ka mid yihiin:-

Shirka Golaha Madasha Wadatashiga Qaran oo Go’aano Isla Qaatay

1- Ka dib abaarihii oo daba dheeraaday, dagmooyin ka mid ah dalkeenna ayaa galay xaalad adag, hadaba Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu go’aamiyay in dowladdu dardar galiso howlaha lagu badbaadinayo dadka tabaalaysan, waxaana la faray dhammaan hay’adaha ku hawlan gurmadka in  ay mideeyaan dadaallada ku wajahan yaraynta saamaynta aabaraha. 

2- Goluhu wuxuu si mug leh u bogaadinayaa howlgalada la-dagaallanka argagixisada ee ka socda dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan kaalinta ay shacabka reer Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka qaadanayaan la-dagaalanka argagixisada.

3- Goluhu wuxuu ugu baaqayaa deegannada kale ee dalka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka in ay si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

4- Goluhu wuxuu isku raacey in la dardargeliyo lagana mira dhaliyo wadahadalada Soomaaliland.

5- Goluhu waxa uu xoojinayaa xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada.

6- Goluhu wuxuu isku raacay in laga shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, iyo sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

7- Goluhu wuxuu isku raacey in la isugu yimaado shir kale oo lagu lafaguri doono arrimaha hortabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya.

Hogaamiyaasha Soomaalida ayaa u muuqda in si wada jir ah ay isaga kaashadaan sidii looga gudbi lahaa marxaladda adag ee dalku ku jiro, kuwaasi oo ay isu biirsadeen abaaraha iyo weerarada joogtada ah ee Kooxda Alshabaab, oo sare u qaadey muddooyinkan danbe hawlgalada ka dhanka ah deegaanada ay maamusha dawladda federaalka caqabadna ku ah in gargaarka la gaarsiiyo malaayiinta Soomaaliyeed ee abaaruhu saameyn badan u gesyteen.

Maxamed Cuma Aadan
WardheerNews, Muqdisho