Shirka Dhuusa-Mareeb oo gebagebo kudhow

Shirka Dhuusa-Mareeb uga socda Madaxweynaha  Dowladda Federaalka (DF), Raysal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha 5-ta Maamul Gobolleed ee xubnaha ka ah DFS ayaa galay waji gebagebo. Wararka WardheerNews  ka soo gaadhaya shirka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu la yimid qorshe ah in dalka  ay ka – dhacdo doorasho-  qof iyo cod ah, si fursad loo siiyo shacbiga Soomaaliyeed in ay toos u doortaan cidda mataleysa.

Shirka Dhuusa-Mareeb

Halka Madaxda Maamul Gobolleedaydyu sida ay ku sheegeen shirkoodii hor dhaca ahaa ee Dhuusa-Mareeeb 1, aysan suurta gal aheyn in xiligan kala guurka ay dalka ka dhici karto doorasho -qof iyo cod ah, iyada oo Dowladda Federaalku ka gaabisay in dalka loo diyaariyo qorshe- qof iyo cod, sidaas darteed ay ku talinayaan 1) Doorasho Dadban iyo 2) In muddo korodhsi aanu jirin.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ka gadaal dooddo iyo wada tashi dhex maray DFS iyo Maamul Gobolleedyada lagu wado in shirka la isla qaato 1) In la sameeyo Guddi Farsamo iyo mid wasiirro, 2) Doorasho Dadban iyo 3) In doorashada wahtigeedi, oo aan muddo karodhsi la samayn .

Wararkaasi ayaa sheegaya in loo balami doono shir dambe oo lagu lafaguri doona warbixinta iyo talada guddiga farsamo.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.