Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Shirar iyo wada tashiyo xaasaasi ah oo uu wado Sheekh Shariif ka gadaal xayiraaddii safarkiisa Kismaayo

Muqdisho (WDN)- Waxaa maanta laga hor istaagay safar uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tegi lahaa magaalada Kismaayo. Md. Sheekh Shariif ayaa ku talo jiray in uu ka qeyb galo munaasabada lagu maammuusayo caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Islaan (Madoobe) bishan Sebtember 26-da, oo mar kale loo doortay xilka madaxtinimada Jubbaland.

Xaiyaraadda safarka Madaxweyne Sheekh Shariif, ayaa ka dambeysay ka gadaal markii maanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay amar ay ku fareyso in dhamaan diyaaraddaha u socda Kismaayo, looga baahan yahay in muddo 24 saacadood ka hor, ay fasax weydiistaan Hay’adda Duulista Hawada (fiiri warqada xiyiraadda isu socodka Kismaayo) .

Amarkii xiyiraadda diyaaraddaha Kismaayo

Xayiraadda safarka Madaxweyne Shariif ayaa dhalisay xiisad siyaasaddeed oo culus, taasi oo isu keentay dhamaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Md. Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo, ayaa saartay cadaaddis xoog leh dhaqdhaqaaqa mucaaradka, iyadoo islamarkaana xiriirka ay la leedahay Maamul Goboleedyada xubanaha ka ah DF, uu sii xumaanayay, gaar ahaan maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Md. Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

War saxafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedka Puntland maanta, ayaa lagu cambaareeyay falka lagula kacay Madaxweyne Sheekh Shariif, iyada oo lagu sheegay in ay ka soo horjeedo xuquuqda mawaadin kasta oo Soomaaliyeed u leeyahay xoriyada socdaalka, sida ku cad dastuurka KMG ee Soomaaliya qodobkiisa 21-farqadiisa 1 iyo 2-aad.

Dad badan oo indho-indheeya arimaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in xaaladda guud ee Soomaaliya ay hadda mareyso meel xun, taasi oo ay sababteeda saarayaan hoggaanka DFS, oo qaadaya tallaabooyin ka baxsan dastuurka, nidaamka dawaliga ee Federaalka iyo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Tan iyo intii uu xukunka dalka la wereegau madaxweyne Farmaajo, ayaa waxa is soo taraya muranka iyo is afgranwaa hadheeyay xidhiidhka DFS iyo Dowlad Goboleedyada, oo ku eedeeyay DFS in ay u guntatay sidii ay u burburin lahayd islamarkaana ay u dhisi laheyd maamulo maqaar saar ah oo looga arimiyo Madaxtooyada Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa iyaduna walaac xooggan ka muujisay xaaladda sii xumaanyasa ee Soomaaliya.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.