Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya dalka Equatorial Guinea

Muqdisho (WDN)- Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa maanta shir madaxeedka aan caadi ahayn uga furmayaa magaalada caasimadda u ah dalka Equatorial Guine ee Malabo, kaasi oo diiradda lagu saari doono hawlgalada argagixiso la dirirka iyo afganbiyada qaaradda Afrika ka dhacaya.

African Union

Shir madaxeedka sanadkaan ayaa ka duwan shirarkii hore ee madaxda Afrika yeelan jireen, waxa uuna kusoo beegmay xilligii la aasaasey ururka midowga Africa oo ah 25 May 1963.

Madaxda Midowga Afrika ayaa kulankooda maanta xoogga ku saari doona kiisaska Afganbi ee qaaradda ka dhacay tan iyo sanaddii 2021, kuwaasi oo gaaraya 5 kiis oo uu ugu danbeeyey Afganbigii dalka Mali. Waxaa sidoo kale madaxda ka hadli doonaan dhacdooyinka argagixiso ee qaaradda kusoo badanayo gaar ahaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Soomaaliya ,Nijeeriya iyo dalalka deriska la ah ee kooxda Boko Xarak ka hawlgasho.

Wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkaas qeyb ka ah, kaasi oo la filayo inuu shirka kusoo bandhigo dhibaatooyinka argagaixisada Soomaaliya ku hayso, waxaana Soomaaliya sida la og  yahay ku sugan ciidamo midowga Afrika ka socda oo qeyb ka ah hawlgalada xukuumada Soomaaliya kula dagaalamayso ururada xagjirka ah sida Daacish iyo Alshabaab.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.