Shir looga hadlayo sidii looga faaideysan lahaa kheyraadka biyaha oo ururka goboleedka IGAD oo Muqdisho uga furmey

Shir looga hadlayo sidii looga faaideysan lahaa kheyraadka biyaha oo ururka goboleedka IGAD oo Muqdisho uga furmey

Muqdisho (WDN)- Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa maanta martigelisey shir ururka gobolleedka IGAD ka yeelanayo ka faa’iideysiga khayraadka dabiicida ah ee biyaha, sida wabiyada iyo badda. Waxaa si rasmi ah u furey shirka Wasiirka kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Bidhan Warsame.

Shirkaan oo ah aqoon is weydaarsi ayaa noqonaya kii ugu horeeyey Soomaaliya lagu qabto oo heerkaan gaarsiisan, waxaana dal kasta uu kusoo bandhigi doonaa khayraadka biyo ee uu leeyahay iyo hanaanka ugu wanaagsan ee khayraadkaas looga faa’ideysan karo.

Masuuliyiin ka socota 8-da dal ee ururka goboleeeka IGAD, masuuliyiinta ka tirsan xafiiska IGAD Muqdisho iyo masuuliyiin kale oo hay’addaha Caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgala ayaa shirkaan ka qeybgalaya. Kaasi oo maalinta berri ah lasoo gabagabeynayo, isla markaana lasoo bandhigi doono xogta guud ee shirkaan ka soo baxda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku hawlan sidii dib loogu soo nooleyn lahaa kaalinkii Soomaaliya ku lahayd dunida iyo ururada caalamiga. Waxaana magaalada caasimada ah ee Muqdisho si isdaba joog ah usoo gaaraya wufuud caalami ah oo kala duwan, kuwaasi oo dananeynaya sidii qeyb ay uga noqon lahaayeen horumarka kasoo iftiimey Soomaaliya.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho