Shir Looga hadlayay hormarinta adeegga Biyaha iyo Korantada oo lagu qabtay Kismaayo

Kismaayo (WDN)- Shir looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa adeegyada dhinacyada korontada iyo Biyaha ayaa lagu qabtay magaalada Kismayo. Kaasi oo ay ka qeybgaleen hawlwadeennada wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee Jubbaland, mas’uuliyiin ka socotay dowladda Sweden iyo hay’adda Unicef.

Shir, adeegga Biyaha iyo Korontada, Kismaayo

Wasiirka wasaaradda Macdanta, amarta iyo Biyaha Md Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar oo shir gudoominayay, ayaa goobta ka aqriyay warbixin ku saabsan baahiyaha dhinacyada biyaha iyo korontada ee ka jira Kismaayo, isagoo ka codsaday masuuliyiintii ka socotay Sweden iyo hay’adda Unicef in ay gacan ka geystaan sidii loo horumarin lahaa adeegyadaasi.

Masuuliyiintii ka socotay hay’adda UNICEF iyo wafdigii ka socday Dowladda Sweden ee kulan ka qeybgalay, ayaa sheegay in ay ka qeybqaadan doonaan sidii loo dabooli lahaa baahiyaha bulshada, gaar ahaan dhinacyada biyaha iyo korontada.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee Jubbaland Md. Maxamed Sheekh Yuusuf, isagoo sheegay in madaxda ay isku afgarteen arimihii ay ka wada hadleen, iyo sdii loo dabooli lahaa baahiyah jira ee dhinaca biyaha iyo korontada

Foos Cali Cabdiraxmaan
WardheerNews, Kismaayo

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.