Shil khasaaro geystay oo ka dhacey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Gaari nooca xamuulka oo soo farriin goostay, ayaa ku burburiyey gaadiid iyo mootooyinka loo yaqaan Bajaajka wadada 21-ka Noofembar ee degmada Warta Nabadda ( Ex Wardhiigley ). Halkaasi oo waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu ugu geystay dad rayid ah oo saarnaa gawaarida uu jiidhay.

Shil khasaaro geystay oo ka dhacey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

Gabar ardayad ahayd oo saarnayd mooto Bajaaj ayaa shilkaasi ku geeriyootey, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux oo saarnaa gawaari halkaas mareysay oo isugu jirey  rakaab iyo gawaari nooca raaxada ah.

Shilkan ayaa sidoo kale waxaa ku burburay gawaaridii uu jiiray gaarigii weynaa ee xamuulka, waxaana dad goobjoogayaal ah shilka ku tilmaameen mid xoogan ayagoo masuuliyadda dush uga tuurey laamaha amniga wadooyinka ee ruqsadda soo siiyey gawaarida xamuulka ah oo u badan kuwa waqtigoodu dhamaadey.

Gawaarida xamuulka qaada ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho shilalka ka geysta, ayaa kusoo badanaya, waxaana salka ay ku haysaa cimriga gawaarida waaweyn ee dekadda Muqdisho ka qaada badeecadaha kala duwan oo gaboobay iyo baaritaan la’aanta xaalada gawaadhida iyo wadayaasha baabuurta. .

Waxa sidoo kale jira nidaam daro guud oo la xiriirta Bajaajka ka hawl gala magaalada Muqdisho oo aad u batay iyo gawaarida kaleeto oo aan sharci iyo nidaam toona loo sameyn , iyada oo dhinac kasta midig iyo bidixba laga wado.

Masuuliyaddaasi oo ay muuqato in ay ka gaabisay dowladda hoose ee Xamar, laamaha amniga wadooyinka ee Taraafikada iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee dowladu.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.