Jigjiga, Wararka aan ka helayno caasimadda deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, ayaa sheegaya in muddooyinkii ugu dambeeyay ay deegaanka Soomaalida ka jirtay shidaal la’aan baahsan oo saamaysay gaadiidleyda iyo guud ahaanba nolosha shacabka ku dhaqan magaalooyinka kala geddisan ee deegaanka Soomaalida.
Kaalimaha shidaalka lagu gado ee magaalada Jigjiga ayaan iyagu wax shidaal gadayn sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku sugan halkaasi oo WardheerNews maanta wax ka weydiisay arrintan iyadoo la arkayay ciidamo boolis ah oo ilaalinaya goobahaas.
Maalmihii ugu dambeeyay ayay gaadiidleyda iyo shacabku safaf dhaadheer u galayeen si ay u helaan shidaal ay ku maareeyaan nolol maalmeedkooda
Saababta xilligan keentay shidaal la’aanta ka jirta deegaanka, ayaa lagu sababeeyay in shidaakii loogu talagalay deegaanka Soomaalida la musuqo, loona gudbiyo dhinca xuduudda Soomaaliya.
Arrintan dhoofinta shidaalka ee xadka dhinkiisa kale loo gudbinyo ayaa la sheegyaa in ay ku lugleeyihiin madax iyo shaqaale ka tirsan xafiisyada heer deegaan ee magaalada Jigjiga iyadoo si gaar ah ay dadku farta ugu fiiqayaan xafiiska gaadiidka iyo ganacsiga oo isagu hawlaha shidaalka ka mas’uul ah.
Dhanka kale madaxweyne Mustafe iyo golihiisa wasiirrada, ayaa maanta kulan la yeeshay mulkiilayaasha goobaha shidaalka lagu iibiyo iyagoo ka wadahadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada shidaal la’aanta ee soo foodsaartay deegaanka Soomaalida.
Shidaal la’aantan ayaa la sheegayaa in ay tahay mid u gaar ah deegaanka Soomaalida oo aanay la qabin Itoobiya inteeda kale.
Madaxweyne Cagjar iyo maamulkiisa ayaa had iyo jeer lagu eedeeyaa kuwa uu ragaadiyay musuqmaasuq xadhkaha goostay oo sida xarka u galay dhammaan hay’adaha dawladda heer deegaan ilaaheer qabalee.
WardheerNews
Leave a Reply