Sheeko Gaaban: Baafin

Sheeko Gaaban: Baafin

Qore: Cabdullaahi Janno

Inkastoo ay dadku ka harsadeen kulka iyo huurka qorraxda, Duq Samawado waxay u soo luudday dhankii xafiiska Bisha Cas ee ku dhex yiillay xeradii barakacayaasha. Ul ayay ku tukubeysay. Xafiiskii ayay soo gashay. Waxay ku daba feeshay gabar qiyaastii aheyd labaatan jir oo aabbaheed baafineysay.

Ducaale oo ahaa shaqaalihii xafiiska Baafinta ayaa eegay Duq Samawado. “Alla maamo maxaad qorraxdaan uga harsan weysay?” ayuu yiri.

“Ma harsado qof noloshiisu qabyo tahay,” ayay tiri iyadoo ku fariisaneyso kursigii ay gabadhu ka kacday.

Wejigeeda wuxuu ahaa dhuxul madow, haragguna duuduubmay. Sunniyihii indhaheeda waa cirroobeen. Baalashii indhaheeduna way gureen. Hal il ayay la’eyd oo caad ka saarnaa. Lalleemo ayay gacanteeda midig la jareynaysay. Waxay xirneyd go’ huruud ahaa iyo canbuur ku dul dhammaaday oo cagaar ahaa.

“Haye maamo, ii sheeg magaca qofka aad baafineysid,” ayuu yiri Ducaale. Warqad arji aheyd ayuu miiska soo dul saaray si uu ugu Buuxiyo Duq Samawado.

“Magaciisa ma aqaan,” ayay tiri Duq Samawado oo dhulka isha ku heyso.

“Haye magaca waan ku soo noqon ee bal ii sheeg da’diisa?” ayuu yiri.

“Ma aqaan,” ayay misana tiri.

“Meeshii kuugu danbeysay ee laguugu sheegay?”

“Ma aqaan.”

“Suuraddiisa? Qaabkuu u eg yahay?”

“Ma aqaan,” ayay tiri iyadoo weli indhaha dhulka ku heyso.

“Qabiilkiisa?”

“Ma aqaan.”

Neef ayuu soo tufay Ducaale—oo qalinkii doc iska dhigay, yirina, “Maamo qof aadan aqoonin sideen u baafin karnaa?”

Duq Samawado isagii ayay soo fiirisay. “Waxaan baafinayaa hoggaamiye,” ayay tiri.

“Hoggaamiye?” ayuu yiri Ducaale oo arrintu isu qaban la’dahay.

“Waryaa ninka ii baafi,” ayay tiri iyadoo isaga ku gubeyso ishii u fiicneyd.

Ducaale wuxuu eegayay Duq Samawado. Wuxuu sameyn lahaana ka fikirayay.

“Hoggaamiyaha aan baafinayo sifadiisa ayaan aqaan,” ayay tiri, “laakiin meel uu joogo ma aqaan. Inuu cirroole yahay ma aqaan. Inuu dhallinyaro yahay ma aqaan.”

Wuxuu Ducaale yiri, “Maamo insha Allaah hadda waa duhurkii oo xafiiska waa la xirayaa.”

“Waryaa sifadiisa iga qor,” ayay tiri iyadoo si xoog ah usha ugu mudeyso dhulka. Ducaale indhaha ayuu yuruuriciyay. Yaabban yahay. Waxay Duq Samawado tiri, “Hoggaamiyaha aan baafinayo waxaa sifo u ah inuu ku faano Muslimnimada iyo Soomaalinnimada. Kana faano eexda. Qabyaaladda. Kooxeysiga. Nin-jeclaysiga. Musuqmaasuqa. Han-yarida.”

Waxaa jidka dheer ee xerada barakacayaasha dul socday nin lahaa gar weyn oo cirro ku badan tahay. Labo wiil oo dhallinyaro aheyd ayaa hareerihiisa socodka boobayay. Dhididkuna ka daadanayay. Welwel ayaa wejiyadooda ka muuqday. Oo hadba qooraansanayeen luuqyada iyo isgoosyada—ciddii ka soo hor baxdana su’aalo weydiinayeen.

Ducaale wuxuu eegay saacaddiisa. Inta kursigii ka kacay ayuu soo dul istaagay islaantii.   “Maamo insha Allaah Soomaaliya way kheyri doontaa,” ayuu yiri. “Bal soo bax aan ku sii sagootiyee qorraxdu way kulushahaye.”

“Waryaa na daa!” ayay tiri. “Todobaatan jir anigoo ahaan xeradaan soo galay. Maantana waxaan ahay siddeetan jir. Ma jecli in aan dhinto anigoo barakace ah – anigoo qaxooti ah; mana jecli in xero qaxooti la igu aaso.”

“Haye maamo. Laakiin—”

“Laakiinta jooji!” ayay tiri iyadoo kor u qeylinayso. Dhareer yar ayaa ka soo tifqay. “Waxaad ii baafisaa hoggaamiye dalka ii xasalliyo. Oo nabad ii dhaliyo. Dhaqaale ii abuuro. Karaamo ii yeelo. Hoggaamiye ay dadku ku soo hirtaan. Hoggaamiye ka naxaayo Soomaalida qaxootiga ku ah dalka iyo dibeddaba. Hoggaamiye ku xisaabtamaayo caruurta berito noqon lahaa macallin ama dhaqtar qaran. Hoggaamiye dhallinyarada tahriibeyso shaqo u abuuro. Hoggaamiye cirib-tiro jahliga iyo faqriga. Hoggaamiye ka xishoodo baryada beesha caalamka. Hoggaamiye soo nooleeyo heybaddii iyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed.”

Duq Samawado ilbiriqsiyo ayay aamustay, oo eegtay Ducaale. Isaguna iyada ayuu eegayay. Yaabbanaa. Maradeedii dhammaadka aheyd ayay afka iska marisay.

“Shacabka Soomaalida waa la hagraday,” ayay tiri, “waxaana hagraday hoggaamiye-goboleed iyo hoggaamiye-qaranba. Waxaa kaloo hagraday aqoonyahan-ku-sheeggooda. Wadaad-ku-sheeggooda. Ganacsade-ku-sheeggooda. Waa nagu daneysteen. Oo naga daneysteen. Nooma danqan. Nooma diir-nixin. Isqabqabsigooda wuxuu naga dhigay dal-seeg iyo dan-seeg. Caruurtii dhashay qaxii waxay ka qadeen fikir iyo hammi qarannimo; mana aysan helin dawlad daryeesho. Markii ay labaatan jirsadeen waa kuwaan maanta khawaarijta naga raacay, oo na qarxinaayo. Kuwii khawaarij ka badbaadayna waxay ku koreen fawdo iyo nidaam-darro.”

Ducaale wuxuu sugayay inta ay Duq Samawado hadalka dhammeynayso, oo gacamaha ayuu miiska saartay.

Saa qeylo ayay kaga naxsatay: “War ii baafi hoggaamiye!!” ayay tiri. “Ka dhex baafi gobol walba iyo tuulo walba. Af-Maay iyo af-Maxaatiri midkuu rabo ha ku hadlo. Waan daalnay. Maalin kasta weji cusub lee imaanaayo, laakiin fikir cusub ma imaanaayo. Kursi jaceyl iyo tayo-yari col waaye. Hadal badni iyo hawl yari col waaye. Ballan-qaadis iyo ballan-ka-bax col waaye. Quraan-ku-dhaarasho iyo qiyaano-qaran col waaye. Ii baafi hoggaamiye wax u qabto caruurta aan ayeeyada u ahay. Hoggaamiye markuu muraayadda isku fiiriyo ka dhex arki karo dhibaatada igu heysato xerada. Hoggaamiye sidii Cumar bin Khadhaab habeenkii isoo booqdo, oo cunno iigu kariyo caruurta baahan ee aan ayeeyada u ahay. Hoggaamiye la-taliye ka dhigto dad aan aheyn xigtadiisa ama koox-diimeedkiisa. Ii baafi hoggaamiye Soomaalidu u siman tahay.”

Ducaale ma uusan qorin hadalkeeda. Isagoo aamusan ayuu u dhaqaaqay dhankii iridda. Labadii ilbaab ee xafiiska ayuu mid xiray. “Maamo meesha waan xirayaa, tartiib u soo kac,” ayuu yiri.

“Waryaa musqusha iiga bax!!” ayay tiri islaantii oo qeylineysa. “Bax! Bax!”

Ducaale inta sasay ayuu u soo rucleeyay dhankii islaanta si’uu dibedda ugu saaro. Saa wayba ka sii dartay—oo af labadii qeylisay: “War musqusha ka bax!!”

Ducaale wuxuu ka shakiyay in Duq Samawado maskaxda looga jiro. Garabka intuu si dabacsan u soo qabtay ayuu damcay inuu islaantii sare u kiciyo. “Maamo halkaan waa xafiis,” ayuu yiri, “oo musqul ma ahan.”

Saa si deggan ayay ishii fiicneyd isaga ugu eegtay, oo tiri. “Ma anigaa awalba inkirsanaa inay halkaan xafiis tahay? Ma ii heshay hoggaamiye weli? Baafinta ma dirtay?”

Ducaale oo wareersan ayaa waxaa xafiiskii orod ku soo galay ninkii garka weynaa iyo labadii wiil ee la socday. Jidka ayay ka soo maqleen qeyladii islaanta. Way hinraagayeen, qorraxna ka soo ureysay.

“Ayeeyo, ayeeyo!” ayuu yiri ninkii oo garabka qabanayo islaantii. “Meel aanan kaa baafin ma jirto maanta. Soo bax—wadaaddadii Quraanka ku saari laheyd way fadhiyaan.”

“Aniga wadaaddo uma baahni,” ayay tiri. “Waxaase Quraan-saar u baahan hoggaamiyaasha sharaf mooday inay na qixiyaan, na barakiciyaan, na dhagraan, na hagradaan, na bahdilaan, na dayacaan, na boobaan, na ciilaan, na curyaamiyaan, na indho tiraan, na waalaan – iyaga u raadiya wadaaddo.”

Raggii waxay garbaha ka galeen Duq Samawado. Waxayna u luudday gurigeeda iyadoo garbaha la hayay. Ducaale illin ayaa tiririg ka soo tiri. Saa inta ilbaabkii xafiiska quful ku dhuftay ayuu qado doontay.

~Dhammaad~

Qalinkii Cabdullaahi Janno

Email: Claahijanno@gmail.com
Facebook.com/Cabdullaahijanno

Leave a Reply

Your email address will not be published.