Muqdisho, Juun 29, 2013 (WDN)- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa ragga ugu magaca weyn dhaqdhaqaaqyada hubaysan ee Islaamiga ah ee ka jira carriga Soomaaliyeed, ayaa isaga iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisu ay soo gaadheen magaalada Muqdsiho ka dib markii diyaar gaara lagaga soo qaaday magaalda Cadaado oo uu ku sugnaa maalmihii aan soo dhaafnay.
Sida ay ku warramayso warbaahinta codka dawladda Federaalka Soomaaliya ku hadashaa Sheekha, ayaa waxaa safarkiisa Muqdisho ku weheliya 14 Sarkaal oo ka mid ahaa xarakada Alshabaab ee dagaalada hubaysan ka wadda Soomaaliya iyadoo dhammaantood ay isu soo dhibeen dawladda Soomaaliya waa isda warka loo dhigaye.
Safarka uu Sheekh Xasan iyo taageerayaashiisu ku yimaadeen magaalada Muqdisho, ayaa la sheegayaa in ay la socdeen madaxweynaha iyo afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, 20 askari oo ka tirsan ciiddamad maamulka Ximan iyo Xeeb, xildhibaanno, saraakiil ciiddan oo ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo maalmahan qeyb ka ahaa wadahadalladii ka socday degmada Cadaado ee lagu qancinayay waddaadku inuu u duulo xagga Muqdisho.
Saraakiisha Alshabaab ee la socday Xasan Daahir Aweys, ayaa la sheegayaa in ay ka mid ahaayeen rag ay hore uga wada tirsanaayeen urur diineedkii burburay ee Xisbul Islaam ee Sheekhu madaxa ka ahaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin madaxii maalliyadda Xisbul Islaam, afhayeenkii Xisbul Islaam Maxamed Macallin, afhayeenkii dhanka howlgallada kooxdii Xisbul Islaam Maxamed Aadan Caruus iyo saraakiil kale oo iyagu horjoogyaal ka ahaa maleeshiyaadka Alshabaab.
Dhanka kale, garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Sheekha iyo Xertiisa agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Bashiir Goobe, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo ay isku beel yihiin wadaadka..
Warka, ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Sh. Xasan Daahir Aweys iyo taageerayaashiisa la socda si rasmi ah loogu wareejiyay ciiddamo la sheeagay in ay si gaarka ah u tababaranyihiin oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo ammaanka Sheekha sugi doona.
Iyadoo ay caado ahayd in dadka ka tirsan maleeshiyada Ashabaab ee isu soo dhiiba dawladda ama ay dagaalada ku qabtaan in ay saxaafadda u soo bandhigaan si ay sawirro uga qaadaan ay u adeegsato dhinaca borbagaandhada, ayaa waxa yaab lahayd in weriyayaasha loo diiday in ay wax sawir ah ka qaadaan Sh. Xasan Daahir oo ah hoggaamiyihii ugu darajo sarreeyay ee ka tirsanaa Alshabaab ee gacanta dawladda soo gala, markii uu Muqdisho soo gaadhay.
Arrintan ayay dadku u fasirteen in ay tahay mid ay dawladdu kaga hortayagayso in ay wajigabax iyo faddeexad kala kulanto beesha caalamka sida diirran ee kalgacaltooyadu ku dheehantahay ee Sheekha loogu soo dhaweeyay gegida diyaaradaha ee Muqdisho oo ahayd mid aan loo kala hadhin.
Inkastoonay weli dawladdu wax wara oo rasmi ah ka soo saarin waxa ay ka yeeli doonto Sheekh xasan Daahir, haddana marka aad fiirisid qaabka ay u dhaceen wadahadalladii lagula galay magaalada Caddado ee Sheekha lagu qancinayay iyo sida diirran ee loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxaa muuqanaysa in dawladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sh. Maxamuud ay indhaha ka qarsan doonto dambiaydii iyo dhibaatadii faraha badnayd ee Sheekhu u geystay shacabka Soomaaliyeed muddadii dheerayd ee uu dagaalada ka waday dalka Soomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah nin aad ugu adag fikirkiisa xagjirnimo ee waxa uu ugu yeedho Jihaadka lagula jiro gaalada iyo murtadiinta la socda, ayaan illaa iyo hadda caddayn in uu ka waantoobay aragtidiisa gurracan iyadoo imaanshihiisa Cadaadana ay ahayd mid ay dantu ku qasabtay oo uu lafihiisa ugala soo baxsaday mujaahidiintii ay isku mabda’a ahaayeen oo loollan dhinaca awoodda ahi ka dhex qarxay.
Beesha caalamka siiba waddanka Maraykanka iyo waddamada deriska la ah Soomaaliya, ayaa la sheegayaa in ay si gaara isha ugu hayaan wax ay dawladdu ka yeeli doonto Daahir Aweys mar haddii uu hadda gacanteeda ku jiro.
Warar aan la xaqiijin oo laga helayo diblomaasiyiinta reeer galbeedka, ayaa sheegaya in Sheekha maxkamad la soo taagi doono, halka ilo wareeedyo kalena tibaaxayaan in ay dawladdu cafis u fidin doonto ka dibna uu u hulleeli doono waddanka Qadar oo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah saaxiibadiisii ay Xisbul Islaam ku wada jireen.
Waddanka Maraykanka, ayaa isagu hore ugu daray Sheekha liiska dadka ay raadinayaan ee ku sifoobay waxa ay ugu yeedhaan argagixisada.
WardheerNews
Leave a Reply