Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha golaha shacabka dawladda F. Soomaaliya

Muqdisho, Xildhibaanada golaha shacabka dawladda F. Soomaaliya ayaa xilka guddoomiyaha golaha shacabka u doortay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan madoobe) ka dib markii uu wareegii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur.

Guusha Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhabarjab ku ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu taageersanaa Xasan Cabdinuur iyadoo islamarkaana mugdi sii galinaysa hankiisa dib ugu soo laabashada xilka madaweynaha Soomaaliya.

Waa markii labaad ee sheekh Aadan Madoobe uu qabto xilka guddoomiyaha golaha shacabka, isaga oo horey usoo noqday guddoomiyaha baarlamanka muddadii u dhaxeysay sanadkii 2007 ilaa 2010.

WardheerNews, Muqdisho