Garoowe (WDN) – Taliyaha ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland S/Guuto Cabdi Xuseen Xasan, oo dhawaan loo magacaabay xilkaas, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ku sheegay in uu cudur daar ka bixinayo dhacdo ay qaar ka tirsan Booliska Qardho si ka baxsan qawaaniinta xoriyadda qofka iyo anshaxa kula dhaqmeen dhalinyaro ku caweynaysay duleedka magaalada Qardho.

Booliska Puntland
Dhalinyaradaas oo u badnaa gabdho oo muuqaal laga duubay la soo dhigay goobaha baraha bulshada, ayaa Boolisku u geysteen af lagaado, anshax xumo, iyaga oo wiil ka mid ahaana jir dil kula kacay.
Taliye Cabdi Yare ayaa sheegay in qaladkaasi la saxayo, islamarkaana Boolisku uu yahay adeegaha bulshada iyo ilaaliyaha amniga. Taliyaha ayaa intaas ku daray kadib baaritaano ay sameeyeen in shaqadii laga joojiyay Taliye ku xigeenkii ciidanka Booliiska gobolka Karkaar iyo Taliyihii Saldhiga Dhexe ee Qardho.
Waxaa beryahanba ka socotay Puntland qorshe lagu tayaynayo ciidamada Puntland dhamaaan ( security reform), oo ay qeyb ka yihiin Boolisku.
Dhacdadan lagula kacay dhalinyaradaas ayaa keentay xiisad balaadhan iyo dhaleecayn dusha looga tuuray Booliska Puntland, iyada oo baraha bulshada aad looga hadal hayay. Hase yeeshee go’aanka taliska Boolisku uu shaqada uga fadhiisiyay mas’uuuliyiintii ku kacay falkaas, ayaa aad loo soo dhaweeyay.
WardheerNews.
Leave a Reply