Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Shacabkii oo Harraad La Ildaran iyo Cagjar oo Diyaarad ka degi la’

Deegaano kala geddisan oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Jigjiga, ayaa laga soo sheegayaa in ay ka taagantahay biyo la’aan baahsan iyo harraad la soo darsay shacabka iyadoo sicirka biyaha lagu iibsadaana uu aad sare ugu kacay bilihii ugu dambeeyay.

Waxaa sidoo kale iyana cirka isku shareeray qiimaha maciishadda iyo sarifka Doolarka iyadoo arrintan loo aanaynayo musuqmaasuqa xadhkaha goostay iyo boobka hantida ummadda ee maamulka Kusime Muftafe Cagjar oo in wax laga qabto iska daaye uu hadda xaalku gaadhay heer lagu faano, qofkii ka hadlana xabsiga loo taxaabo.

Qabyaaladda, eexda iyo nin jeclaysiga ayaa gaadhay heer aan hore loo arag iyadoo xataa ardaydii jaamacadaha ka qalinjabisay uu mas’uul kstaa xaflado u qabanayo inta ay isku reerka yihiin isagoo weliba adeegsanaya hantidii shacabka. Talow kuwa aan maamulka cidi ugu jirin yaa u maqan iyaga?!

Dadka danyarta ah iyo xoola dhaqatada ayaa la sheegayaa in ay halis ugu jirana macaluul iyo cudurrada faafa maadaama ay nafta ku ceshadaan biyo aan nadiif ahayn oo wasakh iyo dhooqo ka buuxdo.

Dhanka kale iyadoo hadda la filayo in wax lagu tilmaamay doorashooyin laga qaban doono dalka Itoobiya sannadkan badhtamihiisa, ayaa waxaa dhawaanahan la arkayay Kusime Mustafe Cagjar oo ay sii labakaclaysay kaboqaadnimadisii islamrkaana diyaarad uun saaran.

Kusimaha oo ah shakhsi aan naftiisa iyo shacbkiisa midna ku kalsoonayn ayaa dadaal ugu jira sidii looga bartay in uu kasbado taageerana ka raadiyo madaxda maamullada Amxaarada iyo Oromada oo tan iyo intii xilka loo dhiibay uu kaboqaad u ahaa.

Kusime Mustafe Cagjar

Kusime Cagjar iyo adeegayaashiisa ayaa dhawaanahan la arkayay iyagoo booqanaya deegaanada Amxaarada iyo Oromada islamarkaana u sujuudaya Baadariyada Kiristaanka oo u labisaya dharka ay caanka ku yihiin iyo sidoo kale abagadhayaasha Oromada oo iyana calaamadaha iyo dharka ay dhaqanka u leeyihiin ugu galinaya meelo fagaare ah.

Kusimaha ayaa sidoo kale heshiisyo dhagareed oo halis ku ah dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ee xuduudda Oromada la saxeexday maamulka Oromiya taasoo wararku tibaaxayaan in goobbo badan oo ka mid ah deegaanka Soomaalida oo xadka teedsan lagu weerijin doono maamulka Oromada xilliga doorashada iyadoo lagu hadoodilayo wax loogu yeedhay iskaashiga iyo isdhexgalka labada qawmiyadood..

Falalkan liita iyo dhaqamadan gurracan ee kusime Cagjar ayaa danta keliya uu ka leeyahay ay tahay sidii mar kale loogu soo celin lahaa qasriga buurta ee Garabcase si uu jeebadaha uga buuxsado hantida shacabka masaakiinta ah ee harraadka iyo gaajada la il daran.

Iyadoo aan la socono dilalka iyo xasuuqa joogtada ah ee ay ciidamada Canfartu ka geysanayaan Galbeeedka gobolka Siti iyo sida doqonimada iyo arxan darrada ah ee in ay u gurmadaan iska daaye xataa ay u awoodi kari waayeen in ay ka hadlaan ayaa hadda laga dayrinyaa xaaladda shacabka deegaanadaas oo ay soo foodsaartay biyo la’aan baahsani.

Qoloji

Barkacayaasha Qoloji ayaa iyana ah kuwa uu maamulku dayacay iyadoo ilaa hadda aan loo samayn wax dib u dejin ah, hantidii loo qoondeeyayna ay saro waaweyn kaga dhisteen magaalda Jigjiga adeegayaasha Mustafe Cagjar ee hawlahaas u qaabilsani.

Hooyooyin badan oo dan yar ah oo ku nool tuulooyinka aan lahayn adeegyada caafimaad ayaa iyana maalin walba umul raaca ka dib marka ay waayaan gaadiid lagu soo gaadhsiiyo Isbitaallada iyadoo haddii goobtu gaadiidka gurmadka degdega ah (Ambulance) leedahay la weydiisto in ay batroolka ku shubtaan, bixiyaana qarasha wadaha. Hantidii ummadda ayaa qof walba wixii uu mas’uul ka ahaa ugu adeegsanyaa sidii wax uu isagu leeyahay.

Dhanka kale deegaanka Soomaalida ayaa xilligan noqday birlab soo jiidata dadka shaqada la’ ee ka soo jeeda qawmiyadaha kale siiba Amxaarada oo iyadu xuquuq xataa aanay haysan dadka Soomaaliyeed ee u dhashay deegaanku uu siiyay maamulka Cagjar iyadoo dhallinyada Soomaalidu ay shaqa la’aan darteed makhaayadaha dhoobanyihiin.

Dhawaan ayay ahayd markii uu baraha bulshada qabsaday muuqaal uu duubay muwaadin Soomaali ah oo shaqo heer Fedraal ah ka helay maamulka Amxaarada iyo sidii foosha xumayd ee loola dhaqmay ayna naftiisu halista u gashay.

Waxaa layaab lahayd in muwaadinkaasi Soomaaliyeed ee u dhashay deegaanku markii uu Jigjiga ku soo noqday uu isku deyay bal in arrintiisa uu u sheegto maamulka Cashuuraha Federaalka (jibriga) ninka madaxda u ah oo isagu Axmaar ah, haseyeeshee markii uu xafiiska ugu tegay una sheegay xaalkiisa inta uu Axmaarkii kursigii isku warwareejiyay uu si kibir iyo quudhsi ka muuqdo uga sii jeestay.

Cabasho kasta oo ay shacabku ka muujiyaan maamulka Cagjar waxa ay jawaabtiisu noqotay waxani waligoodba way jireen ee maxaad maamuladii horeba uga hadli weydeen iyo hadhaagii TPLF ayaa waxan ka dambeysa.

Isku soo wada duubboo guusha keliya ee uu sheegan karo maanta Mustafe Cagjar waa burburinta ururkii ONLF isagoo u adeegsaday qabyaalad iyo hantidii ummadda taasoo sabatay in ururkii kala qaybsamo una kala sarrifmo xaafado.

Ururka ONLF oo ahaa midka keliya ee halis galin karayay Kursigiisa maanta waxa uu ka laalaadaa haadaan dheer oo sababi karta in uu ka baxo saaxadda siyaasadda.

Waxaan shaki lahayn kharashka tirada badan ee ku baxa safarrada cirka iyo kuwa dhulka ee macnadarrada ah ee uu boqollaalka gawaadhida ah isdaba dhigo kusima Mustafe Cagjar in ay ka haqabtiri lahaayeen baahida biyaha ee ay qabaan kumaankumka dan yarta ah ee xilligan harraadka la il daran.

Shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka ayaa hadda halhayskoodu noqday marka ay maqalaan magaca Cagjar, “kan ilaah dhakhso ha noo dhaafiyo”, haseyeeshee ilaa hadda ma muuqdo ifafaale muujinaya in laga hor dhaqaajin doono ummaddan uu ku hor kufay.

WardheerNews, Jigjiga.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.