Muqdisho (WDN)- Shacabka ku nool magaalada Muqdisho iyo askar ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabay xarumaha caafmaadka caasimadda Muqdisho olole is xilqaan ah oo ay gurmad dhiig shubis iyo cunto qeybin ay ugu fidinayaan dadkii shalay ku dhaawacmey qaraxyadii is xigey ee lala beegsadey xarunta Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee agagaarka isgoyska 14-ka October ( EX-ZOOPE).

Dadka reer Muqdisho iyo ciidamada dawladda ayaa ka jawaabay baaqii kasoo yeerey hoggaanka dawladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo bulshada ugu baaqay in ay gacmaha isqabsadaan oo ay gurnad degdeg ah isu fidiyaan, masiibadii shalay dhacdey oo ahayd mid aad looga argagoxo muhiimna ay tahay wada jir in looga gudmo.
Xarumaha caafmaadka ayaa maanta si aad ah looga dareemayey shacab aad u tiro badan iyo askar ku labisan tuutaha qeybaha kala duwan ee ciidamada dawladda, kuwaasi oo qaar dhiig shubaya qaarna cuntooyin u qaybinaya dhaawacyada xarumaha caafmaadka ku jira iyo eheladooda. Taasi oo muujinaysa in bulshadu xanuunka masiibadii shalay dhacdey wada taabatey diyaarna ay u yihiin, in si wada jir ah dhibaatada ay uga gudbaan.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale iyo ku xigeenadiisa oo galabta kormeer ku tagey xarumaha caafmaadka ayaa ammaaney is xilqaanka bulshada Muqdisho ay sameeyeen iyo ciidamada dawladda federaalka, waxa uuna ku tilmaamey mid ku dayasho mudan isagoo sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay ka mideysantahay kacdoonka ka dhanka ah arxanlaawayaashii fuliyey soona diyaariyey qaraxyadii rayidka lagu dhibaateeyey.
Maalintii shalay abbaaro 2:00 duhurnimo ayey kooxda Alshabaab waxa ay ku weerartey xarunta Wasaaradda Waxbarashada laba gaari oo kuwa raaxada ah oo si aad ah looga soo buuxiyey walxaha qarxa, kuwaasi oo sababay dhimashada in ku dhow 22 ruux, dhaawaca in ka badan 300 iyo burbur hanti aad oo baaxad leh, waxaana jira illaa iyo hadda dad nolol iyo geeri midna aan lagu haynin.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho