Shacabka Jigjiga oo Si Aad ah Ugu Diyaargaroobay Soodhaweynta Madaxda ONLF

Shacabka magaalada Jigjiga ayaa saaka laga dareemayaa farxad iyo raynrayn ay ku soodhaweynayaan madaxda ugu sarreysa ururka ONLF oo maanta la filayo in say oo gaadhaan caasimadda deegaanka Soomaalida. Gawaadhida iyo dariiqyada magaalada ayaa meel walba waxaa ka lulanaya calanka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya, iyadoo uu isla maanata guddoomiyaha ururku Md. Maxamed Cumar Cusmaan shacaka kala hadli doono isu soobax ka dhici doona Garoonka Kubbadda Cagta ee magaalada Jigjiga.

Guddoomiyaha iyo wafti uu hoggaaminayay ayaa maalintii shalay ka soo degay gegida diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa.

Dhaqdhaqaaqa saaka laga dareemayo magaalada Jigjiga ayaa muujinaya taageerada weyn ee jabhaddu ku dhex leedahay shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato.

Wixii warar ah ee ku soo kordha arrintan kala soco WardheerNews

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.