Saxanka baradhada ah waa immisa?‏

W/Q Sh. Axmed Cabdisamad

Saxan BaradhoMaqaaxi ayuu quraac u fariistay, wuxuuna dalbaday beer. Kolkaas ayaa loo keenay saxan baradho iyo khudrad ah oo hal hal beer ah ku dhexjiro. Markii uu dhamaystay oo faradhaqday ayuu halkii lacagta lugu qaadayey tagey, wuxuuna yiri:
waar saxanka baradhada ah waa immisa?.

Dad badan ayaa bulshada u qabta shaqooyin magac leh ama u keena badeecooyin magac wata, dhab ahaanse magaca dadka laga iibiyey waxaan ahayn baa meesha yaal ama iyagii iyo wax kale oo lugu qooshay sida beerkaan oo kale.

Waxyaabahaas magacooda waxyaabo kale la huwiyo ama la isku qoosho waxaa ugu khatar badan DIINTA; waayo? afkaar iyo dhaqamo dad dagsaday ama kuwo kale ka dhaxlay ama kasoo minguuriyey ayaa dadka looga dhigayaa diin xaq ah oo Alle xaggiisa ka timid, dadkana ay waajib ku tahay inay raacaan.

Tusaale muuqda waxaa dadkeena u ah afkaartii iyo dhaqankii Al-Shabaab ee dadka salaadda ku jira ama ashahaadanaya dilayey, uguna fasirayey in Ilaahay iyo rsuulkiisu laayeen!.

Waxaa is weydiin leh ninka dadka laynaya oo dhacaya oo aan ijeeddo kale ka lahayn, muxuu diinta ugu gabbanayaa ama shaatiga diineed ugu u xiranayaa?.Jawaabtu waa mid oo isaga hadalkiisa cidna ma raacayso; sidaas darteed ayuu hadalkiisa ugu yeelaya muuqaal diineed. Waxaa kuu sii caddaynaya nimanka diinta Islaamka la dagaalamaya ee muslimiinta ugu baaqaya inay diinta isaga tagaan iyaga oo daliishanaya ama ku gabbanaya diinta ay la dirirayaan lafteeda.

Sow ma aadan arag ninka u doodaya shaydaan ee ku doodaya in la gaaloobi karo, diinta islaamkuna diinaha kale la mid tahay oo haddana diintii islaamka sii daliishanaya.

Gabagabdii ragga hadalada iyo dhaqamada gaalnimada ah islaamnimo ahaanta usoo bandhigaya aynu dhahno: waar saxanka gaalnimada ah waa immisa?

W.Q. Sh. Axmed Cabdisamad

Email: alwaqaar@hotmail.com