(ERGO) – Ku dhawaad 2000 oo qoys oo ku nool deegaannada Jiicanyo iyo Hayaamooge oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa wajaya biyo yari, markii ceelal gacmeedyo ay ku tiirsanaayeen uu duugay daanyeer raxan-raxan u socda, kaas oo ka soo duulay dooxooyinka ku teedsan tuulooyinkan.
Dhibaatadan waxay haystaa tan iyo bishii Ogosto ee sanadkan. Qoysaska qaar ayaa ka dhaxlay cunno xumo, haraad joogto ah iyo xoolo yari. Dadkaas waxaa ka mid ah Qoyska Haybe Axmed Xasan oo 12 ah. Waxay deggan yihiin miyiga Hayaamooge.
Labadii bil ee u danbeeyay waxaa haraad uga dhintay 20 neef oo qayb ka ahaa 60 ari ah. Haybe wuxuu sheegay in xoolaha u haray oo biyo yarida darteed u soofi waayay aysan u lahayn xilligan nacfi iib iyo mid kalaba.
Wuxuu xusay in qoyskiisa ay helaan 24 saacba mar saddex liitar oo biyo ah. Waxaa ku taageera dadka la deggan ee awoodda u leh in ay iibsadaan biyo booyaduhu ka keenaan ceel u jira 120 km. Fuustada biyaha ah ayay ku gataan $7.
“Haraadka aad iyo aad buu dadka u saameeyay, ka guurna waa la sameeyay. Dadkii markii ay awoodi kari waayeen in biyihii iibka ahaa iibsadaan waaba ka guureen deegaanka. Marka haraadkaasi aad iyo aad bay tuuladu ugu nugushahay, wax biyo ah oo noo dhowna ma jiraan oo dadku tiigsan karo.”
Wuxuu tilmaamay in ay walaac ku hayso dadkii ku caawin jiray biyaha oo badankooda ka barakacay tuulada. Waxay u hayaameen deegaanno kale oo biyo bilaash ah ay ka heli karaan, balse Haybe waxay duruuftu ka hor istaagtay in uu deegaanno kale u hayaamo.
Wuxuu ku sheegay sababta in 40 ari ah oo u joogta aysan gali karin safar lug ah. Haddii uu doorbidi lahaa gaari ayuu tilmaamay in uusan haysan qarashkii uu ku kiraysan lahaa. Arrimahan isbiirsaday ayaa ku qasbay in uu ku nagaado deegaankiisa oo biyaha uu ka heli karo ay iib yihiin.
Qoyskiisa toddobaadyadii u danbeeyay dabka ma shidan, markii ay waayeen raashin iyo biyo ku filan. Danta ayaa bidday in dadka la deggan deegaanka oo danyar u badan ay cunnada la wadaagaan haddii ay helaan.
“Qayb aan hantiba lahayn baa joogta oo dariskooda wax la cunta. Waxna iskuma taakulayn karno, laakiin quudinta runtii nin walba wuxuu karsanayo ayaa la la cunaa. Saas baa la isku caawiyaa, laakiin wax ganacsi ah meeshu malahan.”
Haybe oo 65 jir ah wuxuu xusay in uusan markan ka hor la kulmin dhacdada biyo yarida ku sababtay qoyskiisa iyo dadka la deggan tuulada. Wuxuu sheegay in deegaankiisa ay ku yaallaan 4 ceel, kuwaas oo ka hor inta uusan duugin daanyeerka uu dagaal ku dhex-maray xayawaankan iyo dadka deegaanka.
Intaas wuxuu ku daray in ceelasha uu duugay uu duldagay, kuwaas oo ku yaal meel ka baxsan deegaanka Hayaamooge. Daayeenka oo raxan-raxan u socda ayaa ka soo baxaya dooxooyinka tuulada u dhow, markii kulaylka jiilaalku uu saameyn ku yeeshay.
Dhibaatada Daanyeerka kuma eka deegaanka uu ku nool Haybe waxaa la mid ah tuulada Jiicanyo oo 20 km u jirta. Wuxuu la wareegay ilihii biyaha oo intooda badan uu duugay sida uu Radio Ergo uu u sheegay guddoomiyaha deegaankaas Xasan Jaamaca Maxamed.
Wuxuu tilmaamay in ceelasha oo horay abaarta ay u biyo yaraysay uu ku guray ciid iyo dhagax, isla markaana uu dul-dagay isagoo boqollaal ah. Intaas wuxuu ku daray in uu weerarayo dadka reer miyiga ah iyo kuwa safarka ku jira.
“Waxaa jira haddii dadka reer miyiga ah ay soo qaataan biyo iyo raashin oo guryaha ay keensadaan in uu ka boobo oo ka qaato. Dad iyo bahal biyaha way ku nool yihiin waad ogtahay. In uu laasaskii ka dareeri waayo oo dadkii ay biyihii isku qabsadaan oo dadkii biyihii ka awdo (xabaallo) sababahaas waxaa keenaya in uu ku qabsado baahida dadka biyaha ka haysa ayaa isna ka haysa. Waa noole biyo cab ah, taas baa keenaysa.”
Deegaankiisa Jiicanyo wuxuu u jiraa dagmada Badhan ee gobolka Sanaag in ka badan 120 km. Qoysaska ku nool oo xool-dhaqato u badan ayaa ka cabanaya biyo yari.
Cabdulqaadir Xasan Ciise iyo qoyskiisa oo 14 qof ah waxay biyo yaridu ku haysaa deegaanka Jiicanyo. Qoyskan ayaa ku tiirsanaa labaatan ari ah, kuwaas oo ka mid ahaa 70 neef oo horay ay abaartu uga dishay.
Caanaha xoolahan ayuu suuqa gaysan jiray inta aysan biyo yiradu saameyn, wuxuu ka heli jiray lacag kooban oo kiilooyin raashin ah uu ku soo baddelan jiray, balse labadii bil ee u danbeeyay taasi meesha way ka baxday.
Duruufta ayaa bidday in uu qoyskiisa ku masruufo raashin dayn ah. Wuxuu ku tiirsan yahay ganacsade leh bakhaar oo macaamiil ay yihiin, hase ahaatee helidda biyaha ayaa ku adaag.
Biyo yarida darteed ayaa tilmaamay in xilliyada qaar uu dabku ka damo.
“Waxay noo saamaysay baahida biyaha ka qoys ahaan in waqtiyo badan lagu seexdo haraad oo loo qado biyo la,aan. Dadka reer miyiga ah ee deggan tuuladu waa oomane. Ma awoodno in aan lacagta biyaha helno, laakin waxa aan farsamaynaa (isku daynaa) in aan lacag yaryar isku dardarno oo booyad litiro noo shubto aan aan ku baadi-goob u galno.”
Wuxuu xusay in uu la tacaalayo u helidda carruurtiisa biyo ku filan isagoo dhici kale ka walaacsan xoolaha u jooga, kuwaas oo toddobaadkiiba mar uu u helo biyo aan badnayn. Wuxuu ka dayntaa booyadaha biyaha keena deegaankiisa.
Wuxuu ka dayriyay xaaladda nololeed ee qoyskiisa oo ka sii daraysa, maaddama abaartii soo martay uu u baddeay Daayeer ka xiray ilihii biyaha. Wuxuu tilmaamay in lagu leeyahay daymo badan oo ay ku adagtahay in uu iska gudo.
“Aad iyo aad buu u adag yahay oo doon doon iyo labo qad baa lagu jiraa helitaanka cuntada, daynta la igu leeyahay sadex kun oo doolar waa ka badan tahay hada waxaan ku maaraynaa dadkaas daynta nagu leh war wax mahaynee ilaa waqtigii wax la helo waqtigaas wax naga suga kalsooni bay wax isaga sugayaan iyo Ilaahay xagiisa.Haddii ay hanti arkayaan way naga qaadan lahaayeen.”
Sanaddihii u danbeeyay waxaa kordhay weerarka uu ku hayo Daanyeer raxan-raxan u socda xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda isagoo beegsanaya goobaha biyo galeenka ah, xoolaha, dalagga beeraha iyo raashinka ay qoysasku ay guryaha dhigtaan. Waxaa loo sababeeyay duulaanka Daanyeerka cunno xumo iyo biyo la’aan ku dhacday, taasoo roob yaridu ay horsdeedday.
Xigasho: Radio Ergo
Leave a Reply