SAHWI LAGUMA RIDO QOOM ILAA AY SAXA KALEEXDAANE

SAHWI LAGUMA RIDO QOOM ILAA AY SAXA KALEEXDAANE

Abwaan Haybe Axmed Yuusuf

1: Saadaasha gabay maalintaan, saxa u luuqeeyo
2: Ee aan salaamada ubaxo, samay laroorkeeda
3: Masakalo,e waa inan sugaa, sadaradeediiye
4: Salka aan udhigo oo murtida, siinka ka higaadsho
5:Seben hore wixii soo jiriyo, saaka waxa jooga
6: Soomaalinimadaan rabaa, inan sifeeyaaye

7:Sabciin sano horteed iyo wixii, saxafi ii sheegay
8: Siinleyda maansooyinkiyo, saxa intii sheega
9: Sifuhuu lahaa dhaqan ayaan, soo sawirayaaye
10: Sebigiyo caruurtaan rabaa, inay sariigtaane
11: Siciimoow Allahayow arladu, wayna sidataaye
12: Sahwi laguma rido qoom ilaa,ay, saxa ka leexdaane

13: Sababtana ninragi waa yaqaan, saad u eegtaba,e
14: Sakaraadka  geeridu ka daran, suurka qaylada,e
15: Noloshuna saqaafkeedi hore, seben hadaad raacdo
16: Sinsintiyo markii subaga iyo, seenyo lala’ joogey
17: Sidkaa dhalay markii geela iyo, saca lamaalaayey
18: Sange gaado weyn iyo markuu, sabada noo joogey

19: Dhalin wada siyaaxdaa markay, sabarka boodaysey
20: Salalaadiin cugaal iyo markii, saanta lagu jiifey
21: Sinta bidix hablii laafyahiyo, sabac garaacaayey
22: Sifihii dhabta ahaa markii noloshu, sees joogtey
23: Sadex guulka dhaanka ah markii, loogu soconaayey
24 :Sawirkiyo markaynaan aqoon, saancadkiyo beenta

25: Salkii noloshu saasuu ahaa, seben horaadkiiye
26: Imikana sifaha xaalku waa, saydhka dhiilada,e
27: Seediga maryaha laga furtaa,salaqla yeedhaane
28: Sodogiyo sodohihii ladhaaf,seben xumaadkiiye
29: Sebigiyo caruurtii ciraa, suuradooda,ahe
30: Dhalintii tahriibay badaha, sibiq dhaqaaqeene

31: tahriib_somalis_Suudaantan dhowbay xaryii, uga samaysteene
32: Siligbay ku meersheen hablihi, soomanaan jiraye
33: Saxaraha badhbay kaga tageen, siiga boodh badane
34: Saxariirka liibiya ka helay, waa lasoconaaye
35: Sidii adhi sekadi laga baxshoo, subax laqiimeeyey
36: Ama seylad xoolaha latubay, sixirna looyeelay

37; Seelaa xabsiga loo dhigaayoo, saantu gubataaye
38: Sodonkii ka hadha yay hadana, wada siyaartaane
39: Iyagoo sibraar badhaxna wadan, saadki gurigooda
40; Saf saf bay ku saaraan qabaal soona loo dhigay
41: Sandulay ku fuulaan, iyagoo sooma jeesta,ahe
42: Saxankaa wareegaystabaa, lagu saqaafaaye

43: iyagoo sagaal qaday marbuu,dibula saydhmaaye
44: Mara seylad yurubuu galaa, saalax weeta,ahe
45: Saciimoom alahayow arladu, wayna sidataaye
46; Noo samafal eebow khalqigu, kala sed weeyaane
47: Allahayow sandaladaa nin gala,seegitaan malahe
48: Siqiir iyo kabiir waa inaan, wada sujuudnaaye

49: Salkacbaa ku dhacay reerihii,saanyanaan jiraye
50: Salka noo dhig eeboow adaan, kuu siciim nahaye
51: Samahaagu waa guul ninkii,saxa u qaataaye
52: Sugitaanka adigaa khalqiga,geliya suugaane
53: Adigaan siqiir iyo kabiir,suga arwaaxdoode
54: Adigaa sargooyada iskale,sahal amuuroowe

55: Qofkii aanad saacidin majiro,seeb u baxayaaye
56: Noo sahal amuuraha adaa, saayiraad badane

W/T Abwaan Haybe Axmed Yuusuf
Email:hayberr14@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.