Cutubka 4aad
Soomaalida, Sinjigeeda iyo Dabeecadaheeda Gaarka ah
Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Inta aanan Saylac ka huleelin, waa in aanan moogaan in aan sharraxaad kooban ka bixiyo dadka deggan iyo Soomaalida yaabka leh ee ku hareeraysan. Bariga Afrika, sida Caraabiya ayaa waxaa laga helaa dad isugu jira saddex sinjiyadood.
1. Ab’ogaa, sida Neegarro, Bushman, Hottentot iyo sinjiyo kale oo qaab jireed lagu garto, sida doollo waynida, dhar xirashada iyo calaamado kale oo Cuvier kii waynaa ku qeexay qoraalkiisii 1815.
2. Qawqaasiyiinta miirta ku sigtay ee gobollada waqooyi ee galbeedka Masar ka xiga: Soogalootigoodu waxay isbarbardhig ahaan ku simantahay uun taariikhda casriga ah ee dhow.
3. Iskadhalka Afrikada Bari waxaa guud ahaan ka mid ah Xabashida, Gaalla [Oromo], Soomaali, Sawaaxili, Xaamiyiin iyo Kaafirrada . Dadka ugu horreeya waxay ku abtirsadaan Menilik, wiilkii Boqoraddii Saba ay Sulaymaan [n.k] u dhashay. Qaabdhismeedka jirkooda iyo muuqaalkooda aadka loo yaqaan ee aan faahfaahinta u baahnayn ayay ka muuqataa in ay ka soo jeedaan fir Saam iyo Xaam isugu jira (Neegar-Xaam). Midda ku saabsan firka Gaallada [Oromada] fikrado kala duwan ayaa laga qabaa. Qaar ayaa waxay ku sheegaan in ay ka soo jeedaan Carab reer Maka ahaa oo waa aan dhawayn xeebta galbeed ee Badda Cas soo degay. Marka loo eego waxa Xabashidu ka qabaan taa, si ay ahaataba, iyada oo aan fikirkooda laaxin badan loo ogayn, Gaalladu waxay ka soo jeedaan amiir dadkooda ah [Xabashi] oo guursaday addoon laga keenay dhul koofurta ka xiga Guraage . Waxay u dhashay toddoba wiil oo noqday budhcad xooggan oo qabiilooyin askumay. Firkoodii wuxuu qaatay magaca Gaalla oo loogu magac daray wabiga Gala ee Guraage ku yaal, halkaa oo ay tolkood Xabashi si ba’an uga adkaadeen. Cilmiyada jinsiga (ethnology) iyo (physiology) qaabjireedka oo halkan in aan ku faahfaahiyo waqti iyo meel deeqda inaan u helaa ayan ii oggolaanaynin waxa ay ku doodayaan in Kaafirrada Cape-ku [Koofur Afrika] ay yihiin dad waqooyi ka soo hayaamay, oo wax aannaan weli garanaynin xagga koofurta u soo riixeen.
Meesha Soomaalidu ka soo jeeddo iyadu waa arrin taariikhda dhow uun ku siman.
”Barbarah” [Berbera] marka Qaamuuska laga eego waa ”magaalo caan ah oo Magrib ku taal iyo dad laga helo inta u dhaxaysa Al Sanj, Sansibaar iyo xeebta Neegarrada, iyo Al Xabasha. Waxay ka soo jeedaan boqorradii Ximyar Sanhaj [Sinhaajiya] iyo Sumaama, waxayna yimadeed waagii Afrika uu qabsaday boqorkii Afríkús [Scipio Africanus?]” Dhawr faahfaahinood oo ku saabsan gudniinka iyo sarsaridda jirka ayaa caddaynaya in ay kuwaasi ahaayeen kuwii ay ka soo farcameen Soomaalida oo aan wax kale ahayn e uun ah falliiq Gaalla wayn ka soo ruqay, la Muslimiyay, dabadeedna ku Caraboobay soogalooti is-daba-joog uga yimid xagga Caraabiya. Qaamuuska waxaa kale oo aan ka akhrinnaa in Soomaali uu ahaa magacii aabbaha qabiil, magacaana loogu baxshay in uu walaalki il ka soo tuuray (samala).
Shaykh Jaamac, sinjiyaqaan aad looga dambeeyo, wuxuu ii sheegay in sanadkii 666 Hijriyada (1266-7) uu Sayidkii Yuusuf Al-Baqdaadi dekedda Siyaaro ee Berbera u dhow oo uu markaa degganaa sixirroole gaal ah oo buuraha awood sixir kaga dusi jiray. Weligu wuxuu kaalmo ahaan ugu yeertay Maxamad Bin Yoonis Al-Sadiiqii joogay Baytal Faqiiha Carabiya, ducadii ay isku biiriyeen ayaa dabadeed cawaankii buurtii ku awdantay. Inkasta oo ay sheekoxariiro iyo khuraafaad dhallanrogeen, sheekada salkeedu waa dhab. Dadka badan ee culumaa’uddiinkaas ka soo farcamay ilaa waagan ganaax mageed ayay sanad walba siiyaan ehelada ugaaskii gaalka ahaa. Soogalootigii Carbeed ee ugu dambeeyay uguna muhiimsanaa wuxuu dhacay qiyaas ahaan 15 fac ama 450 sano ka hor markii Shariif Isxaaq Bin Axmad uu ka soo qaxay dhulkiisii Xadramawd isaga oo ay weheliyaan 44 wali [kuwee?] ee hore loo soo xusay, ayna Maakhir ka soo degeen. Waa xeebta dabayshu u dhacdo ee dhereran Marsada Karam ilaa cirifka Gaardafuy. Magaalada Maydh ee u dhow Jasiiradda Guban ee wali xabaashiisu ku taal ayuu ku noqday aabbihii dhiig gobeedlay oo dhan iyo inta kaliya ee faracooda la hubo dhulka Soomaaliyeed. Magaadeen oo haweenay xor ah ahaydi waxay u dhashay Garxajis, Awal iyo Arab. Haweeneey ama haween addoomo ahaana waxay u dhaleen Jeclo, Sanbuur iyo Rambad. Sidaa darteed jilbaha waawayn ee Habar Garxajis iyo Habar Awal oo doorbidda ku abtirsashada habareed ee xoojinaya fir hooyo, maadaama marka loo eego dhab ka hadalkooda uusan midkoodna garanayn kan uu noqon karo abuullanki. Kuwaa ayaa kordhay oo ku farcamay kala guursi iyo tolaysi ilaa ay abbaarihii 1500 ay Gaalladii ay ka soo farcameen waa dambe ka saareen Berbera, dabadeedna si isa soo taraysa ugu durkeen ilaa ay buuralayda Harar dhufays adag dabada la galeen. Abtiris cawaaneedyadii [ab’ogaa] hore ee Soomaalidu wali taqaan waa Dir, Iiddoor, Daarood, iyo sida qaar qabaan, Hawiye. Dir iyo Iiddoor, oo iyaga aan xaqiiqo ahaan wax badan laga aqoon magac mooyee, waa kuwii ay ka soo farcameen Soomaalida waqooyi ee qabiilooyinka Ciisaha, Gadaabursi, Isaaq iyo Bursuk.
Daarood Jabarti bin Ismaaciil bin Caqiil [ama Cuqayl] waxay u haystaan faraciisu in uu ahaa Carab sharfan oo Al-Xijaas ka yimid, ka dib markii lagu qabsay in uu dhulkiisii ka soo cararo dabadeedna ku qallibmay [doonni] xeebta waqqooyi-bari ee Afrika. Halkaas ayuu ku guursaday gabar qabiilka Hawiye ah. Dadyawga lidka ku ahi waxay ku sheegaan in uu ahaa addoon Gaalla ah oo la soo masaafuriyay laguna soo yiri ’innaa- dharad-naa-hu’ (waa aannu cayrinnay). Wagaas ka dib magaciisu wuxuu ahaa Taaruud ama Daaruud, kii la soo cayrshay. Dhanka cilmiga is-rogrogga afafka marka loo eego, sheekadani waa mid dhab ahaan sheekaxariiro ku dhisan. Waxay qeexaysaa, si ay ahaataba, sida guud ahaan la wada rumaysanyahay ee ah in askumihii qabiilooyinka ku teedsan xeebta dabayladhaca bari oo hadda ku fidsan xeebaha Bandar Jadiid ilaa Raas Xaafuun, dhanka koofureedna ilaa Wabiyada gaara, in uu ahaa mid sinjigiisu silloonnaa. Ilmihii Daarood waxay hadda u qaybsamaan laba qaybood oo waawayn. ’Harti’ waa magaca reerayawga Dhulbahante, Ogaadeen , Warsangeli iyo Majeerteen. Kuwaa ayaa isku magacaaba ilma Harti Koobme Kablalax Daarood. Qabiilooyinka kale ee Daaroodka ah oo aan dalladdaas ku jirin waxaa ka mid ah Geri, Bartire, Marreexaan iyo Bah Habar Cali [Celi?].
Hawiyuhu iyagu shaki la’aan waxay ka soo jeedaan farac cawaaneed aad u horreeyay [ab’ogaa]. Soomaalida iyaga ma ahee inteeda kale waxay ku magacaabaan Xashiya, sidaasna ku sheegtaan in ay qaranka intiisa kale u dhigmaan. Qaar waxay isku dayaan, sida badanaa dhacda, in ay farac karaamaysan abtirkooda la xiriiriyaan oo iska soo jeediyaan, sida Sheekhaasha oo kale oo Khaliif Abuu Bakar isku xiriiriya. Ab’ogaannimadooda iyo sidaa oo kale asal-cawaaneedkooda waxaa caddaynaya sida waagaan la joogo ay u kala firiqsanyihiin. Waa qabiil ku xoog badan dhulka Majeerteen oo haddana laga helo buuraha Harar. Haddaba, Soomaalida marka dhaqankooda iyo calaamadaha qaabdhismeedka jirkooda ka muuqda, caadooyinkooda iyo halka ay degaan loo eego, waxaa lagu qeexi karaa sinji iskujir ah iyo inay yihiin laan yar oo sinjiga Gaalla-wayn ka soo go’day aadna ay ugu dhowyihiin asal ahaan Masaaridii madmadoobayd, Qawqaasiyiin soogalooti ah iyo dhiig Aasiyaan saafi ah oo muddo si joogto ah isu soo tarayay.
Xagga muuqaalka qof ahaaneed, ma ahan jinsi ishu nacdo. Timaha madaxu waa adayg silig ah, marooqyo ad’adag oo rucubyo uga soo fooca madaxa. Waxay gaaraan dherer dhexdhexaad ah oo in ay dhaafaanni dhif tahay oo hoos u raaraca, sida kuwa sinjiga West Indian-ka iskujirka ah. Odayaal, culimmada iyo maalqabeenno aan badnayn oo awooda ku raaxaysiga duubka uun ayaa madaxa xiirta. Sida guud ahaan ay u badantahay, tin walba waxaa lagu firaa shanlo ama firin irbad-daabac u eg oo qori ka samaysan, tuurkana waxaa loo ekaysiiya sida ’shuruf’ ilmeed, buruko duqowday, tuur, buruko qunsuleed, ama burukadii hore ee gaarifaraslaha. Boqol siyood oo madaxa loo hagaajiyo ayaa jira. Badwiyiinta, kuwa ku bannaan ‘sinji xayrlaha Afrikaanka’ waxay sii daystaan raamo xayr qadhmuuni ka da’ayso, dadkooda kalana waxay ku eedeeyaan in aysan dad ba ahayn ee ay shimbiro ku bannaanyiin [kibirka]. Waxa timaha oo dhab ahaan madow bulug xiga ah lagu midabeeyo waxaa laga sameeyaa malaas nuurad iyo biyo la isku daray ah ama ba marka oommanaha la joogo qoosh dambas ah. Sidaa ayaa timuhu ku noqdaan caddaan hurdi xiga, dabadeedna cillaan ayaa gaduud qumman loogu rogaa. Cillaanka ku-meel-gaarka ahi waa ciid dhiin ah oo biyo lagu riiqay. Burukada silloon ee Soomaalida oo harag idaad oo asal cas leh laga sameeyo aadna qaab cawaannimo ugu dhow sida tan Welsh-ku waa shay qalaad, sida ka muuqata. Dhif ayay igu ahayd in aan arko intaan dhulka hoose marayay, inskasta oo qabiilooyinka agagaarka buuralayda Harar degaa ay xidhaan koofiyad sunno cad ama madoow.
Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Email: Bodhari.warsame@gmail.com
_________
Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews.