SAHANKII RICHARD BURTON EE AFRIKADA BARI

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame

Hordhac

Akristeyaasha sharfanoow, waxa hortiinna yaal ee aan idin la wadaagayaa waa iskudayga tarjumid buug caan ah oo qoraa caan ahi ka qoray socdaal sahan ahaa oo uu sannadkii 1854tii ku maray inta u dhexaysa Berbera ilaa Harar, isaga oo waagaa xagga Badda Cas (Cadan) uga soo tallaabay carriga Soomaaliyeed. Waa buugga magaciisu aanu idin ku cusbayn ee la yiraahdo The First Footsteps in East Afrikca ee uu qoray Sir Richard Farncis Burton.

Richard Burten
Sir Richard Burten

Faa’iidada iyo danta noogu jirta tarjumashada qoraallada dunida kale ka soo baxa ee waxtarka leh intii la doono ayaa la isku adkayn karaa oo la is fari karaa, si ay noogu soo baxaan tarjumeyaal xirfad iyo xeelad wacan leh oo noo soo roga waxa aan la tirin karin ee cilmi nooc walba leh dunidu tarjumid ku kala rogato, waligeedna ku kala rogan jirtay af walba oo far la qoro leh. Taa waxaa dhiirigelin kara oo gacan xoog leh ka geysan kara in la helo tarjumeyaal ay ka go’antahay oo si heer sarraysa u yaqaan afkooda iyo ugu yaraan hal af oo kale iyo dad akhrisku dhaqan u noqdo oo doona in ay afkooda ku akhriyaan qoaraallada kala duwan ee dadyawga kale.

Hadda ba, tani waa mid ka mid ah shirrabyo dhawr ah, kuwo soo baxay iyo kuwo laaban, oo aan isku dayayo in aan dadkayga ku la wadaago miraha hibo aan is biday se ku kobci karta kaliya in aanan la yuururin ee dibadda ugu soo saaro dadkayga oo ay waagan la joogo si wayn u anfacayso. Wax badan ayaan ka bartay intii aan ku dhex jiray tarjumadan, in aan sidii ugu wacnayd oo garsoor ku dheehanyahay u haleelayna waa ku rajo waynahay, se loo joogee wixii falcelis ah ee ka soo laabta oo iyada ruuxeedu waxbarasho dheeraad ah iyo kabid qiime iigu fadhida noqon doonta. Wixii ilduuf iyo aqoon la’aan ku leexdaa waa xaggayga iyo xilqaadkayga, ifintooduna waa xaggiina iyo karaankiinna.
Hadda na, ku soo dhawaada taxanaha tarjuman; Sahankii Richard Burton ee Afrikada Bari.

Mahadsanidin in badan.

____________

Cutubka I
KA SOO AMBABIXII CADAN

Shaki iiga ma jiro in ay jiraan dad badan oo iska indhatira dhabta Bariga Afrika, meel in yar uun oo 300 oo mayl ah Cadan u jirta, in ay ku taal magaalo u dhiganta Timbuktuda baas ee Galbeedka Fog lagu sheego. Dalmarradii Xabashida maray, sida; Salt iyo Stuart , Krapf iyo Isenberg , Barker iyo Rochet – haba sheegin iyaga kuwii kale oo badnaa e sii maqmaqiiqnaa ee fidinayay Diinnta Kootaliga Roomaanka. Dhammantood way isku dayeen in ay Harar mar uun gaaraan, iskudaygoodii se waxba ka ma suuroobin.

Harar amiirkeeda karaahiyada ah iyo dadkeeda cawaanta ahiba geeri ayay ugu gooddiyaan Gaalkii soo dhaafa darbiyadooda . Merlin Neegar ah ayaa la yiri waxa uu ka faaliyay jab iyo halaag marka ugu horreysa ee Faranji carrigan cag soo dhigo . Ajanabiga kuwa loogu necebyahay loogu na cadaawad badanyahay waa Ingiriiska. Harar waxa ay saldhig u ahayd addoonsiga dadka iyo ka ganacsigiisaba , abeesalugalayda duqowdayna si fiican ayay u taaqaan waxa ay ka filato la kulanka gacanta adag ee Wali George . Sidaa ayay dalmarayaashii suudhadhka madmadow iyo dharka haragga dhogorta leh ee qaaliga ah ku soo labbistay ku qanceen in aan magaaladaas la geli karin. Reer Yurub iyagu hadda waaba iska daayeen in ay u holladaan Harar.

Haddaba, waxaa sharaf wayn ii ah, gacaliye L[umsdenoow] , in aan adeegsado darajada magacayga Xaaji ah, si aan magaaladaa u galo, amiirkeeda u booqdo, aniga oo bed qabana soo noqdo, ka dib marka aan jebiyo burjiga adag ee meeshaa la geli waayay ilaalada ka haya.

Maalinta ugu habboon sannadka Islaamka in la socdaalo, shaki la’aan, waa 6da Bisha Safar, taa oo Nabigu [nnk] sheegay in ay tahay maalintii Islaamku soo ifbaxay. Annagunana xataa iyada oo Cadan la joogo ayaannu haleeli weynay xilligaa ayaanka leh. Daahdaaheenna iyo mixnadaheennu waxay hordhac ku bannaan u ahaayeen safarkayaga aannu ku sii dhex mari doonno “Itoobiyaanka Lama-canaantaanka ah” ee qof Jove Agoosto jooga ah mooyee nin kale aanu inta la soo qadeeyo nabad kaga iman .
Maalin Axad ah, 29kii Oktoobar 1854, ayaa lagu dhawaaqay in saadkeennii noo dhanyahay. Saaxiibkay Steinhauser dacaskii barakaynta ayuu iga soo daba tuuray [ducuu na faray]. Abbaarihii 10 saac oo galabnimo ayaannu ka furannay Bandar Macalla, oo go’eennii inta jafjafannay ka soo shiraacannay dekedda. Markii aannu soo gaarnay doonnida ilaalada ah ayaannu rukhsaddeennii tusnay, intii aannaan badweynta shishe u bakhoolin. Waxaannu ku celcelinnay in aan Faatixada u marno Sheekh Maajid, ninkii hindisay jiheeyaha badmaaxda haga. Aaskii ayaa noo madoobaaday annaga oo cayaar ku tumanayna maayad cad oo is labarogaysa dusheed. Taas oo hirarkeeda mucjisada ah, si ay ahaataba, la moodo qayladhaantii farxad gelin jirtay dareenka badmaaxyadii Carbeed ee hore .

Mar uun ayaa si lamafilaan ah weheliyeyaashaydii ilbaxnimo oo dhan ka sidbatay, sidii maro la iska muldhiyay oo kale. Markii Cadan la joogay niman xiirtay oo duubab Carbeed xiran ayay ahaayeen. Hadda se dharkoodii oo dhan waa tuumiyeen, marka laga reebo qayd yar. War yaanan kugu daaline, waxay isu muujiyeen sidii Marooko madow . Maxammad waxa uu afka ka buuxsaday Tubaako Surat qalafsan iyo magaad. Magaadku waxa uu ka dhiganyahay sidii basbaaska uu askariga Hindiga ahi caraqa ku darsado oo tubaakada ayuu jilciyaa si ‘gawsku u qabto’. Guuleed madaxa ayuu bannaystay, xubin Afrika marka la joogo aan loogu ba talagelin in maro la saaro, wuxuuna ku subkaday xayr qadhmuun oo bari idaad laga shiilay. Ismaaciil oo ah madaxa ama naakhuudaha ‘foyst’igayaga Sahalah wuxa uu bilaabay in uu beeb laga sameeyay tagoogo ari tubaako ku shito oo uu qaac afka ka sii daayo.

Shaqaalahayaga oo ka kooban 71 rag yar iyo wayn isugu jira, markii habeenkii dumay waxa aannu karsannay cambuulo haruur Jowaari ah oo ku iidaamannay xayr, waa oomati aanan kula jeclaadeen e. Cambuuladii waxaa loo cunay si foolxumadeeda Kaafirradu ay darajo dheeryihiin, marka aad u fiirsato raqidda, ruqruqaansiga, bushimo leefleefka, fara dhuuqa iyo ugu dambayn anqawyada oo faratir laga dhigtay.

HALKAN KA AKHRI: SAHANKII RICHARD BURTON EE AFRIKADA BARI

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Email: Bodhari.warsame@gmail.com
_________
Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews.

Leave a Reply

Your email address will not be published.