Washington DC (WDN) – Waxaa maalintii Khamiista ee ku beegnayd bishan Sebt. 17 waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha Maraykanka Md. Baraak Obama, Safiirka cusube ee Soomaaliya wakiilka uga noqon doona dalka Maraykanka Md. Axmed Ciise Cawad.
Safiir Axmed oo WardheerNews ay wax ka weydiisay ka gadaal kulanka Madaxaweyne Obama, gaar ahaan qorshaha iyo hawlaha Safaarada Soomaalidu ay xoogga saari doonto ayaa sheegay: Waxaa sharaf ii ah in ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ii igmato in aan matalo Soomaaliya, anigoo xoogga saari doona sidii aan xidhiidh sokeeye ula wadaagi lahayn dalka Maraykanka. Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan la shaqeeyo oo xidhiidh wacan safaaraddu la yeelato dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka, oo runtii door weyn kaga jira horumarinta Soomaaliya, hadday noqoto dhinacyada Ganacsiga, Waxbarashada, Dhaqaalaha iyo soo nooleynta kaabiyaasha aasaaasiga u ah horumarinta bulshada.”
Md. Axmed oo horey muddo ku dhow 10 sano hawl wadeen ka ahaa Qaramada Midoobay gaarahaan dalka Sudan, ayaa dawlada Soomaaliya dhawaan u soo magacawday Safiirka Soomaaliya ee dalka Maraykanka.
WardheerNews
Leave a Reply