RW Xamse oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan musuqmaasuqa xilli uu ka qeybgalay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqa

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo lagu xusayay maalinta caalmiga ah ee la dagaallanka Musuqa, isaga oo sheegay in xukuumaddiisu biliaabeyso kacdoon ka dhan ah musuq-maasuqa si sare loogu qaado hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dawladda.

RW Xamse oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan musuqmaasuqa xilli uu ka qeybgalay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqa, Muqdisho

Md. Xamse ayaa munaasabadda ka sheegay in musuq-maasuqu uu yahay cudurrada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada, kaas oo sababa horumar la’aan dhaqale, inaan laga faa’iideysan waayo kheyraadka dalka isagoo  hoos u dhac ku keena dakhliga dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha dalka. Md Xamse ayaa sidoo sheegay in musuqmaasuqu uu u keenayo dalka sumcad xumo, taasi oo yareyneysa maalgashigii aduunweynuhu dalka ka samayn lahaa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in musuqmaasuqa uu yahay waxyaabaha dhaliya xasilooni darida, waxa uuna bulshada ku beerayaa in ay ka aamin baxaan hay’ddaha kala duwan ee dawladda waxa uuna raisalwasaaraha uu balanqaaday in gacan bir ah lagu qaban doono cidwalba oo lagu helo masuqmaasuqa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in xukuumadda Dan Qaran ee uu hogaamiyo ay ka go’an tahay ciribtirka musuq-maasuqa, waxa uuna tilmaamay muhimadda ay leedahay in bulshada iyo dowladda ay si wadajira ula dagaalamaan musuqa, si loo toosiyo nidaamka dowliga ah.

Md. Xamse Cabdi ayaa tilmaamay in marka laga soo tago argagixisada Alshabaab, in uusan jirin cadaw ka weyn musuqmaasuqa oo Soomaaliya iminka heysta, waxa uuna ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah musuqmaasuqa, islamarkaana ay ka guuleysanayaan argagixisada, musuqa iyo cidwalba oo lugta kula jirta.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho