Muqdish (WDN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee waddanka Ereteriya tababarka kusoo dhamaystey ee ku xareyaan xerada ciidamada ee Jeneral Gordon isagoo halkaasi hadal dhiirogelin uu ugu jeediyey.
Qoraal lagu baahiyay barta warfaafinta xafiisiiska RW, ayaa lagu sheegay in Xamse oo la hadlayay ciidanka uu xusay in shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in Al-shabaab muddo kooban kaga saari doonaan goobaha yar ee ay kaga hareen dalka.
RW Xamse ayaa u sheegay ciidamada xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay Ereteriya looga fadhiyo sidii ay u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo qabkii shacabka Soomaaliyeed, loogana baahanyahay in ay cashar lama ilaabaan ah u dhigaann argagixisada Alshabaab ee ummadda Soomaaliyeed gummaadka ku haya.
RW Xamse oo ciidamada la hadlaya ayaa yiri “Waa la idin sugayay, laba qolo ayaa idin sugayay; qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay – waana Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina, qolona way idin sugeysay laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, walwal, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun yihiin.”
RW Xamse ayaa noqonaya ma’suulkii labaad ee dawladda federaalka ee booqasho ugu taga ciidamadan dhawaan dalka dib loogu soo celiyey. Waxaa xusid mudan in uu horey u booqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ciidamadan ayaa loo abaabulayaa ka mid noqoshada hawlgalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab oo qeybo badan oo dalka ah iminka ka socda. Dagaalkaas oo ciidamada xoogga iyo ciidamada deegaanka guulo waa wayn ka gaareen, deegaano badan oo istaraatiiji ahna kooxda kala wareegeen.
Leave a Reply