Muqdisho (WDN):- Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar ku yimid magaaladda Laascaanood, ee xarunta Maamulka SSC-khaatumo.
Mudane RW Xamsa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Laas Caanood Madaxweynaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed (Firdhiye), mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Maamulka SSC-Khaatumo iyo dadweyne aad u tiro badan .
Safarka RW Xamse ayaa ah mid lagu taagerayo maamulka SSC-Khaatumo iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, iyada oo inta Ra’iisal Wasaaraha iyo waftigiisu ay joogaan magaalada Laas Caanood, ay kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda SSC-khaatumo.
Kulamadaaass ayaa lagaga hadli doono xoojinta iyo taageerada maamulka SSC-Khaatumo ee dhinacyada dhaqaalaha iyo harumarka
Booqashadan taariikhiga ah ee RW Xamse, ayaa ku soo beegantay xili muhiim ah, iyada oo ay Somaliland wado dadaallo xooggan oo ay ku doonayso in lagu aqoonsadao. Sidoo kale safarka RW ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta midnimada Soomaaliyeed, horumarinta dadaallada dowlad dhisidda, iyo midnimada dalka.
WardheerNews
