RW Xamse oo booqasho ku tagey degmada Aadan Yabaal oo dhawaan Alshabaab lagala wareegay

Muqdisho (WDN)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta booqasho ku tagey degmada qadiimiga ah Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee dhawaan lagala wareegay kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

RW Xamse oo booqasho ku tagey degmada Aadan Yabaal oo dhawaan Alshabaab lagala wareegay

RW Xamse ayaa kulamo la qaatey saraakiisha hogaaminaysay hawlgalkii lagu qabtey degmada Aadan Yabaal ee ciidamada xoogga iyo ciidamada maleeshiyaadka deegaanka ee Macawisleyda, waxa uuna ku amaanay ciidamada geesinimada ay muujiyeen isagoo ku tilmaamey halyeeyo ummadda Soomaaliyeed qiimo ku leh.

RW Xamse ayaa sheegay in kacdoonka ka dhanka argagixisada Alshabaab uu socon doono inta kooxdaasi ay dhaq-dhaqaaqayso, waxa uuna ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee Macawisleyda ku wargeliyey in ay u diyaar garoobaan sidii ay u xoreyn lahaayeen deegaanada kale ee weli kooxdu ku sugantahay, isagoo xusey in argagixisadu gabalkoodu dhacey waqtigoodiina uu dhamaadey.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ballan qaaday in deegaanada laga xoreeyey Alshabaab sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doono adeegyada asaasiga sida caafmaadka, waxbarashada, amniga iyo hay’addaha garsoorka. Waxa uuna  farey ciidamada qeybahooda kala duwan in sugaan amaanka, islmarkaana aysan ku kicin falal khalkhal gelin kara xasiloonida iyo wada noolaanshiyaha bulshada deegaanada la xoreeyey.

Alshabaab ayaa muddo ku dhaw 15 sano waxa ay ka arriminaysay degmada Aadan Yabaal oo ah goob muhiim ah, waxaana kooxdu deegaankaasi ku lahayd saldhig weyn ah iyo maxkamado bulshada ku dhaqan maamulka Hir Shabeelle  lagu dhibaateeyo.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.