RW Xamse iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku gaarey Baladweyne

RW Xamse iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku gaarey Baladweyne

Muqdisho (WDN)- Ra’siisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isagoo kasoo ambabaxay magaalada Qabri Dahare ee dowlad degaanka Soomaalida oo uu dhawaan socdaal ku marayey.

RW Xamse iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku gaarey Baladweyne

Md. Xamse ayaa waxaa si wayn ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Yusuf Axmed Xagar Dabageed, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, xildhibaano, masuuliyiin iyo dadweyne aad u badan.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa magaalada Baladweyne uga sii horeeyey wafdi wasiiro ah oo xukuumadda Soomaaliya ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaano.

Ujeedadada socdaalka RW ayaa lagu sheegay in ay tahay mid lagu xoojinayo dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka Alshabaab iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo macawisleyda ay wadaan, kaasi oo suurto geliyey in deegaano badan lagala wareego maleeshiyaadka Alshabaab saraakiil sarsarena looga dilay.

Booqashada RW Xamse ee Baladweyne ayaa ku beegantay xilli maalintii shalay ahayd kooxda Alshabaab ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan laba qarax oo khasaare balaadhan geystey, kuwaasi oo mid ka mid ah lala beegsadey buundada Buulo-Burde, halka midka 2-aadna lala beegsadey xarunta degmada Jalalaqsi. Qaraxyadaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, halka ay qeyb weyn oo ka mid ah buundada Buulo Burde ay burburtey.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho