RW Rooble oo lagu wado inuu ku dhawaaaqo Gole Wasiiro isku dhaf ah

Muqdisho (WDN)-  Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda la filayo in soo dhiso RW Rooble, uu isugu jir doono wasiirro  cusub iyo kuwii hore ee RW Xasan Kheyre.

Wasiirrada la sheegay in ay xilkooda waayi doonaan ama meel kale loo badalayo waxaa ka mid: Wasiirradii Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Kheyraadka Badda iyo Kaluumaysiga,  Amniga, Difaaca, Arrimaha Dibadda iyo Biyaha iyo Macdanta. Liiska golaha cusub oo in badan wax iska badbadelleen, ayaa ay dhici kartaa in aanu wali rasmi ahayn.

RW Rooble

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Taliska Booliska iyo Nabad Suggidda laga yaabo in hoggaankooda wax laga baddelo.

Golaha Wasiirrada Cusub, ayaa u badnaan doona  xubno ka tirsan Golaha Shacabka, arrintaas oo dad badini u arkaan dhibaatooyinka keenay isku-milanka Golaha Fulinta iyo Sharci dejnta.

WardheerNews oo la xidhiidhay khubaro arimaha Soomaaliya ka faallooda, ayaa sheegaya in magacaabista xubnaha Xukuumadda RW Rooble oo aad dib ugu dhacday, uu dareenka iyo xiisaha  dadku u  hayo ay aad u liidato, hasa yeeshee kaliya laga rabo qorshe ku aaddan sidii looga gudbi lahaa xilliga kalaguurka, loona qaban lahaa doorashooyin ku dhaca wakhtigoodii oo xor ah, kana fog musuq iyo ku shubasho .

Wararka ayaa intaasi ku daraya in golaha xukuumadda oo isqabqabsi badani ragaadiyay, hadda la soo gabagabeeyay lana filayo in si dhakhso ah loo soo magacaabo.

WardheerNews