Raisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amrey ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa (ATMIS) in ay la wareegaan amniga xarunta doorashada baarlamaanka Soomaaliya berri ay ka dhaceyso ee Teendhada Afasiyooni, isagoo sheegay in liiska xildhibaanada berri doorashada xaadiri doonta uu ku wareejiyey.
Tallaabada ra’iisalwasaaraha ayaa imaanaysa kadib markii laamaha amniga ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan qabsoomidda doorashadii aqalka sare ee maanta dhacdey. isagoo uga digay taliska nabad sugidda iyo booliska ku lug lahaanshiyaha falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo gabagabo ah.
Xiisaddan hareysay doorashada baarlamaanka ayaa lugta ku haysa khilaafka u dhaxeeya xukuumadda Rooble uu hogaamiyo iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xulafadiisa.
Farmaajo ayaa dhaliilsan kana soo horjeeda qaabka loo maareeyey 16-ka kursi ee gobolka Gedo iyo kursigii la laaley ee taliyihii hore ee nabad sugidda iminkana ah la taliyaha amniga Farmaajo Fahad Yaasiin. Waxa uuna ku tilmaamay xildhibaanadii lagu soo doortey degmada Ceelwaaq mid sharci daro ah oo baalmarsan heshiisyadii siyaasadeed ee hore Muqdisho iyo Dhuuso Mareeb loogu gaarey.
Dhanka kale madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaadey Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey guddoomiya cusub ee golaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo labadiisa ku xigeen Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi Cali Xirso.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay guddoonka cusub iyo xubnaha golaha aqalka sare ambaqaadka hawlihii muhiimka u ahaa dawlad dhiska ee lasoo qabtey sanadihii lasoo dhaafey, waxa uuna alle uga baryey inuu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmadey .
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka kale ku amaaney guddoomiyihii KMG ahaa iyo guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka sida xilkasnimada leh ay u maamuleen doorashada.
Moxamed Cumar Aden
Wardheernews, Muqdisho