RW Rooble oo amniga goobta doorashada Golaha Shacabka ku wareejiyey ciidamada Afrika

Muqdisho (WDN)- Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amrey ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS)  in ay la wareegaan amniga xarunta  doorashada Baarlamaanka Soomaaliya berri ay ka dhaceyso ee Teendhada Afasiyooni, isagoo sheegay in liiska xildhibaanada berri doorashada xaadiri doonta uu ku wareejiyey.

Tallaabada RW Rooble ayaa imaanaysa kadib markii laamaha amniga ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan qabsoomidda doorashadii Aqalka Sare ee maanta  dhacdey, isagoo uga digay taliska nabad sugidda iyo booliska ku lug lahaanshiyaha falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo gabagabo ah.

Xiisadda hareysay doorashada Baarlamaanka ayaa lugta ku haysa khilaafka u dhaxeeya xukuumadda Rooble uu hoggaamiyo iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xulafadiisa.

Md. Farmaajo ayaa dhaliilsan kana soo horjeeda qaabka loo maareeyey 16-ka kursi ee  gobolka Gedo iyo kursigii la laaley  ee taliyihii hore ee nabad sugidda, iminkana ah la taliyaha amniga Farmaajo  Fahad Yaasiin. Waxa uuna ku tilmaamay xildhibaanadii lagu soo doortey degmada Ceelwaaq mid sharci daro ah oo baalmarsan heshiisyadii siyaasaddeed ee hore Muqdisho iyo Dhuuso Mareeb loogu gaarey.

Waxaana lala xiriirinayaa isku dayga carqaladeynta doorashada ee ay sameeyeen talisyada nabadsugidda iyo boolisku ay  doorashada mid muujinaysa ku lug lahaanshiyaha Farmaajo iyo xulufadiisa arinkaan

Dhanka kale madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey guddoomiyaha cusub ee Golaha Aqalka sare Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo labadiisa ku xigeen Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi Cali.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay guddoonka cusub iyo xubnaha Golaha Aqalka sare ambaqaadka hawlihii muhiimka u ahaa dawlad dhiska ee lasoo qabtey sanadihii lasoo dhaafey. Waxa uuna alle uga baryey inuu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmadey .

Farmaajo ayaa dhanka kale ku amaaney guddoomiyihii KMG ahaa iyo guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka sida xilkasnimada leh ay u maamuleen doorashada isagoo ku tilmaamay mid heersareysa oo ay ku ammaanan yihiin.

Maxamed Cumar Aaden
Wardheernews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.