Muqdisho (WDN), Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyey xildhibaanada 16-ka ah ee doorashadooda maanta lagu soo gabagabeeyey degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Rooble ku yirii , “ waxaan u hambalyeynayaa xildhibaanada cusub ee la doortey anigoo u rajaynaya inuu Eebbe ku garabgalo masuuliyadda qaran ee loo igmadey.
Waxaan sidoo kale u hambalyeynayaa guddiga doorashooyinka heer federal iyo heer maamul goboleed oo maanta soo gabagabeeyey doorashadii xildhibaanada golaha shacabka ee deegaan dooraashadoodu ahayd degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo”
Dhanka kale guddiga hirgelinta doorashooyinka federaalka ayaa war saxaafadeed uu soosaarey ku baaqay in la dadajiyo dhaarinta xildhibaanada Ceelwaaq lagu soo doortey ee la guddoonsiiyey shahaadada xubinnimo si ay uga qeybgalaan doorashada guddoonka golaha shacabka ee dhici doonta 27-ka bishaan Abril.
Waxay arrintani ku soo beegmaysaa iyadoo dhanka kalena ay magaalada Garbahaaray ee xarunta gobolka gedo ay ka socoto doorasho kale oo middan la mid ah lana sheegay in lagu soo dooranayo xildhibaanada baarlamaanka F. ee matalaya shacabka deegaanadaasi ku dhaqan.
Qoraal iyana ay soosaareen Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa ay ku sheegeen in doorashooyinka ka bilowday magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceel Waaq ay yihiin kuwo hareer marsan heshiisyadii iyo habraacyada doorashooyinka.
Guddiga ayaa sharci daro ku tilmaamay doorashooyinkaasi labadaasi magaalo, iyadoo la eegayo heshiisyadii siyaasadeed ee ay wada gaareen madasha wadatashiga qaran 1-dii Oktoobar 2020, sid lagu xusay warsaxafadeedka kasoo baxay guddiga.
WardheerNews. Muqdisho