W.Q Maxamad Dalmar
“Restroom” ama “comfortroom” waa eray lagu afgobaadsanayo oo loola jeedo musqul ama suuli dad ka dhexeeya. Waana yahay suuligu meel lagu nafiso hadduu habeysan yahay.
Ha ila yaabina. Sheekadaan waxaan ku keenay, ayaan dhexdaas ah anigoo akhrisanaya mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaaladaan Ottawa ee Kanada ayaa isheydu ku dhacday war i xiisogeliyey. Warkaasi wuxuu ku saabsanaa barnaamij elektaronik ah (app) ooy dawladda Hoose ee Ottawa hirgalineyso. Waa barnaamij u suurto gelinaya dadweynaha inay si fudud telefonkooda (moobilkooda) ugala soo baxaan khariidad tilmaameysa goobta ugu dhow ooy ka heli karaan suuli. Barnaamijkaasi iskama imaan ee waxaa ka horreeyey olole ay qaadeen mawaadiniin reer Ottawa ah iyo xubno ka mid ah guddiga dawladda Hoose. Ololahaas waxaa loo bixiyey “Where to go” oo micnaheedu yahay: “Xaggee aadeeysaa haddi dantu ku qabato”. Ma aha in suuliyadu ku yaryihiin magaalada Ottawa. Dawladda hoose ee Ottawa waxay leedahay sodomeeyo xarun-bulshadeed (community centres) oo leh suuliyo nadiif ah oo casri ah. Goob kasta oo ganacsi ahna waxaa khasab ku ah inay leedahay suuli u qalma dadweynaha loo adeegayo. Haseahaatee, waxaa la leeyahay intaas ha laga sii badiyo, oo ha laga sii bilo, iyadoo laga duulayo fikirka ah in suuligu aad muhim ugu yihiin horumarka iyo caafimaadka bulshada.
Sheekadaani waxay kaloo i soo xusuusisey, waa meesha aan u dan leeyahaye, waayo-aragnimo aan kala kulmay xagga suuliyada kal hore mar aan tagey Soomaaliya.
Aan ku bilaabo. Waxaan soo maray gegida diyaradaha Hargeysa. Waa gegi cusub oo casri ah oo dhaldhaaleysa. Hoolka waxaa ku sugnaa dad badan oo ka yimid meelo kala duwan sida Xamar, Gaalkacyo, iyo Boosaaso. Waxaa maalintaan gegiga taagnayd diyaaradda Ethiopian Airlines oo dad badani raacayeen. Waa oday iyo caadadiise waxaan u baahday suuli. Waxaan saf dheer u galay laba suuli oo qaybta ragga ah. Safka dhererkiisa waxaa iiga darnaa suuliga oo ahaa mid kadeed ah isagoo aan lahayn kursiga lagu fariisto ee ahaa kuwa la kadaloobsado. Waxaan is weeydiiyey gegida intaa oo malaayiin oo dollar ku baxday oo noqotay xarrun diyaaraduhu isku beddelaan, maxaa loogu waayey kursi suuli ee lagu faariisto, maxaase loo badin wayey suuliyada iyadoo la tixgelinayo tirada dadka faraha badan ee isticmaalaya gegida yo waqtiga kooban? Haddana anigaa isu jawaabay oo waxaan is iri, hagrasho ma jirtee, hiddo iyo dhaqan ayaa malaha inaka xoog badiyey. Asal ahaan, waxaan nahay bulsho reer miyi ah oo aan suuliyo hiddo iyo dhaqan u lahayn. Waxaan tegi jirney ifka. Waxaan geli jirney duurka markii dani ina qabato. Waa tan la yiri : raad arooryo dib looma ma raaco illay wuxuu kuu geeynayaa muuqaal aadan jecleyn (musqul furan).
Ka soo tag. Waxaan imid Xamar. Xilligaas waxaa shaqeyneysey gegidii hore oo wali lama furin terminaalka cusub oo dawladda Turkigu dhistay. Markaad soo degtidba waxaad soo galeysey qol yar oo ciriiri ah, oo buuq badan, ood ku jahawareereysid dadka isdaba maraya oo leh askar, dullaal, xammaali, shaxaad- doon iwm. Allow iga saar mooyee, adaanba soo dhaweyn iyo suuli midna ka sugeyn. Waxaan filayaa in terminaalka cusub uu leeyahay tashiiladka loo baahan yahay oo dhan.
Ka soo tag. Maalin maalmaha ka mid ah anigoo magaalada Xamar dhexdeeda maraya ayaan suuli u baahday. Waxaan ku leexday dhismo quruxsan oo xafiis u ah mid ka mid ah shirkadaha xawaaldaha kuwa ugu waaweeyn oo aan magaceeda sheegeyn. Waa farxay anigoo ku kalsoon inaan soo dhaweeyn kala kulmi doono xafiiskaan sidaas u weeyn, kana faa’iideysan doono tashiilaadka ay ugu talagaleen macamiishooda. Haddaan soo galayba waxaan dabcan la kulmay nin ilaalo ah oo illinka fadhiya, qorina haysta. Si dabacsan ayaan u weydiiyey: walaaloow suuli ma idinka heli karaa. Ninkii si aan caadi ahayn ayuu ii fiiriyey. Waxaan kala garan waayey inuu ila yaabban yahay oo is leeyahay: war kan wareersani xaggee ka yimid, ama inuuba caro ku maqan yahaya oo uu leeyahay: war ninku yuu i mooday? Ma dadkii musqulaha loo diri jirey ayuu ii maleeyey? Isagoo aan weli ii jawaabin ayaan ka tagey. Si kale kuma garatide, lafahaygaan la cararay.
Ka soo tag. Waxaan imid Garoowe. Garoowe waxaad arkeeysaa makhaayado heer sare ah (lusso) oo qadadu kuugu kaceeyso 15 doollar iyo in ka badan oo kaba qaalisan Ottawa. Makhaayadaha sidaas qaaliga u ah suuliyaashoodu waa sandaqad meel gees ah ku taal oo jajabsan oo aan albaabkeedu si fiican u xirmayn oo qasabadda biyo ka tifiq leeyihii oo nalkeedu marna daarmo marna damo, oo kaagadaranee kadaloob ah. Qolka rag ah uun baa galaya ee dumarkii aaway ayaad is leedahay; iyagu xisaabta kuma jiraan miyaa? Waxaad is weeydiinaysaa, makhaayadaha noocaan oo kale ah, soo ma habboonaateen in markaad soo geshidba aad aragtid ishaaro farta kuugu fiiqeysa: qolkaan waa suuligii ragga, kanna waa kii dumarka. Qolal ku dhexyaal dhismaha oo ku soo jiidanaya xagga bilicda, nadaafadda iyo qalabka? Mise waa dhaqanoo, suuli soo qaaddidisa ayaaba laga fiican yahay. Nin wax ka qora dalalka soo koraya ayaa yiri haddaan rabo inaan wax ka ogaado horumarka dal gaaray, isma luro ee waxaan fiiriyaa suuliyada gegida diyaaradaha ee dalkaaas oo ah muraayad aan ka arki karo heerka ilbaxnimo iyo horumar dhaqaale ee dalkaasi ku tillabsaday.
In badan, waxaan maqlaa hebel ayaa loo doortay ama loo magacaabay “mayor”ka magaalo hebla, welise ma maqlin “Mayor” ka hadlaya baahida magaaladiisa ee xagga suuliyada ama qorshihiisa ku aadan dhismaha suuliyo dadka ka dhexeeya (public restrooms) oo goobaha dadku u badan yahay ku yaal; ama dalbaya in goobaha ganacsigu leeyihiin suuliyo nadiif ah; ama tixgelinaya dadka naafada ah oo ugu talagalaya suuliyo ay isticmaali karaan sida dadka ku socda gaariga “wheelchair”. Mise “Mayor” qabiil lagu soo doortay oo jagada ku helay laandheerinimo isuma quuro inuu musqulo ka sheekeeyo ama ka shaqeeyo.
Magaalooyinka Soomaaliya hadda waa bateen waana ballaarteen. Waxaa lagama maarmaan ah in ahmiyad gaar ah la siiyo suuliyada, bullacadaha, qashinka si looga hortago cudurrada faafa sida koleeraha iwm.
Sheekadaani waxay iga ahayd xusuus aniga xaggayga ah iyo baraarujin xagga bulshada ah ee igama aha inaan cid ku naqdiyayo.
W.Q. Maxamed Dalmar
Email:mdalmar@sympatico.ca
——————
Maxamed Dalmar waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, islamarkaana bare ka ahaa kuliyadii Dhaqaalaha ee Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed. Dalmar waxa uuu ka faaloodaa arimaha dhaqaalaha iyo bulshada oo uu ku soo qoro degelkan WardheerNews
