Muqdisho, Abril 20, 2013 (WDN)- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa Hortagay Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Xubno Ka tirsan golihiisa wasiirada.
Kulanka baarlamaanka oo ay soo xaadireen 192 mudane, uuna guddoominayay guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa su’aalo waxaa lagu weydiiyay ra’isal wasaaraha, kuwaasi oo La Xiriira waxyaabihii ay qabatay xukuumadda Soomaaliya muddadii ay jirtay iyo waxa ay Ka qabatay Ammaanka dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’isal Wasaare C/Faarax Shirdoon Saacid, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wax Ka qabatay dhinaca ammaanka ayna dajisay qorshe afarta sano ee soo socota ay ku wajaheyso dhinaca Ammaanka.
Md. Saacid, ayaa dhanka kale ka hadlay heshiiska dowladda Soomaaliya ay La gashay dowladda Turkiga, isagoona sheegay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya ka taageereyso dib u dhiska dalka iyo tababarro ay siineyso ciidamada dowladda Soomaaliya, isagoo islamarkaana soo hadal qaaday heshiis xukuumadda ay la gashay dowladda Norway, kaasi uu Ku micneeyay in dowladda Norway Soomaaliya ay ka taageereyso dib u dhiska dalka.
Inkastoo ay su,aalaha u badnayeen kuwa la xiriira dhibaatadii maalintii Axada ka dhacday magaalada, ayaa haddana waxa uu ra,iisul wasaare saacid su’aashasi uu ugu jawaabay si kooban, isaga oo ku gaabsaday in ay wax qabanayaan, waxna laga badalaayo laamaha ammaanka, inkasto uunan faafaahin wax ay badalayaan, laakiin waxa uu sheegay in ay ammaanka xoogga saarayaan.
Sidoo kale waxaa dhawaan la filayaa in uu isna hortago Xildhibaanada Soomaaliyeed wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Md. Cabdikariin Xuseen Guuleed, si isagana wax looga weydiiyo xaaladihii ugu danbeeyay dalka, gaar ahaan dhibaatooyinkii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho oo si qorsheysan dad loogu dilay.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply