Muqdisho (WDN)- War soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in caawa weerer lagu qaaday Hotel SYL, hakaasi oo ay hadda ka socoto rasaas xooggani.
Wararka ayaa sheegaya in dad ku lebisan dharka ciidanku ay galeen Hoteelka, iyaga oo sheegay in ay ka tirsan yihiin illaalada masuuliyiin goobtaasi ku sugnaa.
Wali ma cadda in ay jirto wax dhimasho ama dhaawac ah. Wixii akhbaara ee soo kordha waxaanu idinkula socod siin doonaa wararka dambe.
WardheerNews
