
Muqdisho, Ra’isalwasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatey safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Almuwalad, waxaana kulanka xoogga lagu saaray xiriirka labada dal u dhaxeeya iyo kaalinka Sacuudiga kaga aadan gacan siinta Soomaaliya.
RW Rooble ayaa uga mahadceliyey safiirka Sacuudiga kaalinka muuqda ee boqortooyada Sacuudiga ka qaadanayso taageerada Soomaaliya dhinacyada dhaqaalaha iyo hawlaha la dagaalanka argagixisada sidoo kale gurmadka hay’adda Boqor Salmaan iyo gargaarka ay u fidinayso dadka ay abaaruhu sida aadka ah u saameeyeen.
Ra’isalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa billad sharafyo guddoonsiiyey safiirka taasi oo mid ka mid ah loogu talogaley safiirkii hore Sacuudiga ee Soomaaliya Mudane Maxamed Khayaad, halka billad sharafta kale loogu talo galey hay’adda gargaarka iyo arrimaha bini aadanimada ee Boqor Salmaan, taasi oo ay ku mutaysatey kaalinka ay ku leedahay gurmadka abaaraha Soomaaliya oo malaayiin Soomaali ah saamayn ballaaran ku yeelatey.
Safiirka Sacuudiga ayaa dhankiisa ammaaney sida dawladda cusub Soomaaliya ay ugu muujisey wada shaqaynta isla markaana ay u danaynayso horumarinta xiriirka labada dal, waxa uuna ballanqaadey boqortooyada Sacuudiga in ay ka go’antahay marwalba garab istaagga shacabka walaalaha ay yihiin ee Soomaaliya iyo dawladdiisa, isla markaana ay kordhin doonaan taageerada ay u fidinayaan dawladda Soomaaliya.
Maxamed Cumar Sheekh Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply