Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Boqor Salmaan Bin Abdulaziz Al Saud

Riyadh,–Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

RW Khayre Oo Kulan La Qaatay Boqor Salmaan Bin Abdulaziz Al Saud

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.