Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Loo Dhanyahay

Muqdisho, – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa daah-furay kulanka wadatashiga Qorshe wadaagga guddiga wada xaajoodka iyo Hey’adaha ku shaqada leh siyaasadda loo dhanyahay oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Shirkaan uu muhiimmad gaar ah u leeyahay ummada Soomaaliyeed lagana doonayo ka qeyb galayaasha in ay la yimaadaan wax qabad muuqda, si natiijo wanaagsan uga soo baxdo.

“Howsha aad isugu timaadeen waxa ay ka tarjumeysa mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Waa bud-dhigga qaranimada Soomaaliya. Waxa aad isugu timaadeen sidii ummadda Soomaaliyeed aad ugu sameyn lahaydeen mustaqbal ka duwan kan aan hadda heysanno” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Meeshaan aad fadhidaan waxa ay ka tarjumeysaa in aad fursad u leedihiin in aad qeyb ka tahihiin qaabeynta dastuurka ay ummada Soomaaliyeed ku dhaqmeyso shanta boqol oo sano ee soo socota. Waxa ay ka tarjumeysaa in aad ka arrinsaneysaan ummada Soomaaliyeed sidii awoodda gacantooda loogu soo celin lahaa oo 2020-ka doorasho qof iyo cod ah ay u ga dhici laheyd dalka iyo in la dhameestiro geedi socodka federaaleynta. Waxa aan rabaa in maalmaha aad halkaan isugu imaaneysaan aysan idinka xummaan, Saacadi in aysan idinka khasaarin. Maskax shiil ayaa halkaan leesugu yimid”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha kulanka.

Kulanka wadatashiga Qorshe Wadaagga Guddiga wada Xaajoodka iyo Hey’adaha ku Shaqada leh Siyaasadda loo dhanyahay oo ay ka qeyb gelayaan dhammaan hey’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa loogu tala galay in uu socdo afar maalin uuna soo xirmo July 8, 2018.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.