Muqdisho, (WDN) – Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa caawa ku dhawaaqay qayb ka mid ah xukuumaddiisa cusub. Xubnaha golha wasiirrada ee uu caawa ku dhawaaqay Md. Sharma’arke ayaa ka kooban 20 wasiir oo dhammaantood aanu ku jirin shakhsi ka mid ahaa labadii xukuumaddood ee u dambeeyay.
Haddaba xubnaha golaha wasiirrada ee ra’iisalwasaaruhu ku dhawaaqay ayaa waxay kala yihiin sidan:
1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Ciyaaraha
2. Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta
3. Cabdirixhman Maxamed Xuseen Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka
4. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda
5. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda
7. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada
8. Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda
9. Cabdirixman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga
10. Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka
11. Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta
12. Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada
13. Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa
14. Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha
15. Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska
17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha
18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda
19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga
20. Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka
Sida muuqata xubnahan cusub ayaan iyagu wax lug ah ku lahayn khilaafkii ragaadiyay dawladda Soomaaliya muddadii uu xilka hayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply