Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn oo iscasilay

Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn oo iscasilay

Warar ka soo baxay magaalada Addis Ababba ee dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn uu iska casilay xilkii Ra’iisal Wasaaraha iyo hoggaankii xisbiga talada haya ee EPRDF.

Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn oo iscasilay

Banaanbaxyo baaxad leh oo dhawaanahan ka socday Itoobiya, oo keenay dhimasho iyo dhaawac tiro badan, ayaa la sheegayaa in ay sabab u yihiin iscasilaadda Ra’iisal Wasaaraha.

Md. Desalegn oo TV Itoobiay ka hadley, ayaa sheegay “ Qalalaasaha dhimashada keenay iyo jahawareerka siyaasadda ayaa sabab u ah iscasiladeyda”

“ Waaxan rajaynaynaa is casilaadyedu in ay horseedi doonto dardar cusub oo lagu soo dabaalo dalka”

RW Desalegn ayaa sii heyn doona jagada Ra’iisal Wasaaraha tan iyo inta la soo dooranayo RW cusub, islamrkaana uu ansixinayo Baarlamaanku.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.