Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeydh oo geeriyooday

Jigjiga (WDN)- Rii’sal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ku geeriyooday magaalo madaxda  Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga.

Cali Khaliif Galeydh

Cali Khaliif ayaa horey u ahaa Ra’iisul Wasaaraha Dawladdii KMG ee sannadkii 2000 iyo sidoo kale madaxweynihii maamulkii Khaatumo ee sandkii 2014, isaga oo ka mid ahaa asasyaashii maamulkii Khaatumo.

Cali Khaliif waxa uu ahaa ruug caddaa dhinaca arimaha siyaaasadda ee Soomaaliya, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay burburka ka hor dowladdii kacaanka ee uu madaxda ka ahaa Siyaad Barre.

Cali Khaliif Galaydh ayaa ku dhashay magaalada Laascaanood, ee gobolka Sool, isaga oo sanadahan dambe ku noolaa magaalada Hargeysa.

Lama oga waxa sababay geerida Cali Khaliif, isaga oo maalmihii ugu dambeeyay la sheegay in uu ku xanuunsanaa magaalada Jigjiga.

Bahda WardheerNews waxa ay iyada oo ka tiiraanyaysan tacsi u diraysaa qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Cali Khaliif Galeydh.

Waxa aan Eebe uga baryaynaa in uu marxuumka ka waraabiyo janadii ehelkiisana samir iyo Iiman ka siiyo.

Aamiin


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.